Shilal Dhimasho Sababay oo Ka Dhacay Dalka Turkiga

0
585

Ankara (Hargeisa Press) – Ugu yaraan 32 Qof, ayaa ku geeriyooday Koonfur Bari ee dalka Turkiga Sabtidii, kadib markii shil baabuur oo sababay dhimashada shaqaalaha gurmadka oo ka jawaabayay shilal ka horreyay, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaas.

16 qof oo ay ku jiraan shaqaalaha gurmadka degdega ah iyo saxafiyiin, ayaa dhintay kadib markii uu bas ku dhacay goob shil hore ka dhacay, sida uu xaqiijiyay, Davut Gul, oo ah guddoomiyaha gobolka Koonfur Bari ee Gaziantep.

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray in 20 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo hadda la daaweynayo.

“Iyadoo ay dab-demiska, kooxaha caafimaadka iyo asxaabta kale ay ka jawaabayeen shilkan, ayaa bas kale shil galay meel 200 mitir u jirtay halkan, baskii labaad ayaa goobtan ku soo dhacay, wuxuuna ku dhuftay shaqaalaha caafimaadka iyo dadkii dhaawaca ahaa,” ayuu yidhi Davut Gul.

16 qof oo kale, ayaa ku dhintay 29 kalena way ku dhaawacmeen shil kale oo ka dhacay magaalada Mardin, sida uu xaqjjiyay wasiirka caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca, isaga oo sheegay in 8 ka mid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladoodu liidato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here