Munaasibad Loogu Dabaal-degayo 60-guurada Kasoo Wareegtay Markii Ay Somaliland Xoriyada Ka Qaadatay Boqortooyada Ingiriiska oo Madaxtooyada Lagu Qabtay

0
1161

Hargeisa (Hargeisa Press)- Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaal-degayo 60-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii oo ah markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeedii ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, ayaa caawa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibadda loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 60-guurada kasoo wareegtay 26-kii, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Somaliland, wakiilllo ka socda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Turkiga, qaar ka mid ah golaha wasiirradda, xildhibaanno, siyaasiyiin, ganacsato, haldoor, aqoonyahan, haween, badiba labeenta bulshada reer Somaliland iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana munaasibadda laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay maalintaasi leedahay iyo taariikhda ma guuraanka ah ee ay xambaarsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here