Madaxweyne Biixi: Soomaaliya Waxa Aynu Ku Tegi Karnaa oo Keliya Passport-ka Somaliland iyo Calanka Somaliland Inagoo Sidana

0
1783

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda xuska 26 June ayaa ku dheeraaday natiijadii aan la mahadin ee ay Somaliland kala kulantay midnimadii ay la gashay Soomaaliya Afar maalmood kaddib xorriyadii ay Ingiriiska ka qaadatay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale shacabka u caddeeyey ujeeddada loogga gol leeyahay qodob dhinaca is-dhexgalka ah oo ku jirey  qodobbadii kasoo baxay shirkii dhawaan Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Jabuuti oo ay bulshadu siyaabo kala duwan u macnaysatay.

“Wixii is-dhexgelaya, horto siyaasadi iyadu way reebban tahay, xeer baana joojiyey oo iyadu kuma jirto, qofkii siyaasad u tagaana waa dambiile qaran, isdhexgalka kale wuxuu ku xidhnaanayaa, tusaale ahaan koox kubadda ciyaaraysa, ayaaba la doonayaa inay tagaan Soomaaliya, waa inay tagaan iyaga oo Baasaboorka Somaliland sita oo dawladda Soomaaliya tagtay oo magaca Somaliland ku ciyaaraya.”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa calanka Jamhuuriyadda Somaliland la saaray markii ay saacaddu ahayd ahayd 12:00-kii Habeennimo, iyada oo uu madaxweynuhu salaan siiyey calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here