Solja oo Si Weyn Uga Soo Horjeedsatay Talaabadii Xukuumada Somaliland Kula Wareegtay Xarunta Telefishanka Star

0
1274

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay talaabadii ay xukuumada Somaliland kula wareegtay xarunta Telefishanka Star ee magaalada Hargeysa.

Solja ayaa sheegtay in ay si weyn uga soo horjeedo talaabadaasi ay xukuumaddu kula wargeegtay xarunta Telefishanka Star.

Ururka Solja ayaa sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waxaanu u dhignaa sidan:-

“Ururka Solja waxa uu si wayn uga soo horjeeda talaabadda xukuumadda Somaliland kula wareegtay xarunta Telefishanka Star TV ee Hargeysa.

Ururka waxa uu u arkaa gef sharci in iyadoonay Maxkamad awood u lihi Amrin xidhiga hay’ad warbaahineed ama Wariye in digreeto/amar wasiir ama  badhasaab lagu xidho.

Talaabadda lagu xidhay Star TV, waxay muujinaysaa inay xukuumaddu gacmaheeda ku fushanayso awaamiirteeda iyadoon laga garnaqin waxa lagu eedaynayo.

Sidoo kale, Ururka Solja waxa uu maalmahan isha ku hayey talaabooyin la doonayey lagu hadidayey telefishanada qaarkood iyadoo loo food samaynayo warar ay ka baahiyeen gobolka iyo dalka gudihiisaba, iyadoo la isku daayey in hawada laga saaro, iyadoo loo adeegsanayo dad ka faa’iidaysta fursadaha noocan oo kale ah.

Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda ugu baryayaa inay ciidanka ka dul qaado xarunta Telefishanka Star. sidoo kale, ururku waxa uu ugu baaqayaa inay xorriyaddiisa usoo celiso Wariye Jaabir Siciid Ducaale kaasoo ay maxkamadda gobolka Sanaag maanta toddoba cisho oo rumaan ah u jartay.

Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here