Munaasibad Balaadhan Oo lagu Weynayo Habeenkii Nabiga la Dheelmiyey Oo Maanta lagu Qabtey Magaalada Hargeysa

0
1117

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xaflad Balaadhan oo lagu Weynayo Habeenkii Nabigeena Muxamed (NNKH)La Dheelmiyey  ee LAYLATUL ALL-ISRAA-WALLMICIRAAJ ayaa maanta lagu qabtey Hotel Maansoor ee  Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo lagu weynayo Xuska Qiimaha leh ee LAYLATUL ALL-ISRAA-WALLMICIRAAJ ayaa soo Taxnayd ilaa xaley iyadoo Xaflado kala duwan lagu qabtey Musaajidada waaweeyn ee iyo Maqaabyada Caasimada Hargeysa.

Qaban-Qaabinta Munaasibadahan ayaa waxaa Qayb weyn ku lahayd Hirgalinteeda Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qaban qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga ah Iyo Horumarinta Bulshada ee JIMCIYATUL AXBAAB.Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qayb galey Masuuliyiin kala Duwan Culimo u  Diin. Madaxdhaqmeed iyo Marti sharaf kale.

 

Munaasibadan ayaa waxaa ugu horeyn waxaa khudbad ka jeediyey Sh.ismaaciil Xasan faarax oo ku dheeraaday Qiimaha Habeenkii la dheelmiyey Nabigeenii Suubanaa ee Muxamed (NNKH)iyo Mucjisooyinkii  iyo aayaadkii Nabigu soo arkay  Habeenkaasi.

“Waxaynu tilmaamaynaa wakhtiga uu dhacay habeenkani iyo sababta uu ku yimid in Nebiga la dheel-miyaa, habeenka ILLAAHAY  Nebiga casuumay waxay ahayd 27-ka bisha Rejab, waxaanay ahayd habeen Isniin ah, waxay sababtu ahayd oo uu Allaah u casuumay Nebiga, ummaddii Islaamka ahayd ee Maka ku sugnayd ee Nebigu (C.W.S), Madaxda u ahaa cidhiidhi bay ku jirtay wakhtigaa, waxaana sannadkaa Nebiga (NNKHT) la dheel-miyey loo bixiyay sannadkii murugada.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax –

Waxaanu Sheekh Ismaaciil oo sharraxaaddaas sii wadaa intaas ku daray oo uu yidhi; “Murugadaasna waxa keenay saddex arrimood, Xaaskiisii Khadiija oo wixii uu Nebigu dhibaato dibedda kala soo kulmo ka caawin jirtay oo dhiirrigalin jirtay ayaa dhimatay, Addeerkii Abu-daalib-na wuu dhintay, saddex ayaamood ayay kala dambeeyeen. Markaas, ayay Nebiga (CSW) ku sii badatay dhibkii Gaallada, maaddaama oo ay labadii qof ee difaaci jiray dhinteen.”

waxa uu cadeeyay isaga oo hadalkiisa wali gudo jira.“Dabadeedna Nebigu (C.S.W) wuxuu tagay Daa’if oo ay yaalleen Niman Carbeed oo xoog lahaa, halkaas oo uu Diinta gaadhsii islahaana waa laga soo dhagxiyey (dhagax-tuuray) oo wax-yeellaa Nebiga loo geystay. Dabadeedna Maka ayuu ku soo noqday. Markaas ayaa Nebiga (C.S.W.) casuumadda loo fidiyey si murugadaa looga dhaqdhaqo, Nebiguna (CSW) 50 jir buu ahaa markaas la dheel-miyey.” ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee ucid Eg Faysal Cali Waraabe ayaa isna sheegay in Dad Neceb diinta suuban ee nagibeena ay usoo tafaxayteen Sidii Ay dadka u kala lumen lahayeen waxaana uu culimada u soo jeediyay in Ay isku mideyeen Sidii Ay u difaaci lahayeen Diinta ilaahay ee u baahan sida uu cadeeyay in laga ilaaliyo cadaw-yada badan ee hadheeyay sidii Ay fidmo uga dhex abuuri lahayeen culimada iyagu u taagan sidii Ay u xanbaari lahayeen Diinta Ilaahay.

“Qofka walaalayaal Danbi bidco Ah ku sheegay Nabigeenii Muxumed NNKH oo laxusayo loona baahan yahay In Markasta lawayneeyo Danbi ku sheegay isaga ayaa Og Halka uu ku socdo,Aan idiin waramee Muslimkii meel uu Galo ayuu waayay,hadaanay dadkuna lahayn dawlada lagaga Baqo cidwaliba way u soo qoslaysaa,Walaalayaal markii muslimka aduunkii lagaga Adkaaday ayaa loogu tagay Aakhira oo kolba wax laga sheegayaa,waxaana laleeyahay sodonka sano ee soo socda aduunku waxa uu noqonayaa islaam,toddobadii qof ee meel wadayimaad lix qof ayaa muslim noqonaysaa,Hadana gaaladii leedahay dadkii hadilina waxa isqabanaya maaha.

intaas waxa uu ku daray guddoomiye faysal isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.’Walaalayaal hadii aynu fulin wayno waxa uu ilaahay inafaray waxa ka xun ayaa iman Doona,bakhtigaas sheekhu sheegay ayaa laguwada socdaa oo qof waliba aduun ayuu jeclaaday,Waxaana ay ku tartamayaan Daaraha waxaana ay ilaaween in ladhimanayo,dawlada waxaan fari lahaa in ay Xoojiso diinta hadaanay xoojina dhibteeda yeelan karto.

Xildhibaan Sheekh cali ayaanle ayaa isna ku dheeraaday muhiimada ay maalintani u leedahay masulimiinta ku dhaqan daafaha caalamka waxaana uu yidhi.

““Dhamaanteen Waxan halkan u fadhinaa iyadoo ay inaga run tahay in aan waynayno Rasulkenii Subanaa (N.N.K.H) haddaba waxa weeye in aan marwalba ku celelino hadal haynta Rasuulkenii Subanaa(SCW,Rasuulkeenii waxaa u yimid Cali oo waxa uu ku yidhi Rasuul Allow Xaaskayga Caruurtayda iyo Waalidiintaydaba Marka laga reebo naftayda waan ka jeclahay Markaasu Rasuulku ku yidhi, wali iimaankaagu taam maaha markii dambe ayuu ku yidhi Naftaydana waan kaa jeclahay Rasuulku markaasu yidhi imikaa iimaankaagu taam yahay markaa waa inay maxabada rasuulku halkaa inaga gaadhaa inagana”. Ayuu yidhi Xildhibaanku.

Culimo badan oo munaasibada ka hadashay ayaa iyaguna ku dheeraaday muhiimada Ay leedahay Maalintani iyo siday ugu qaaliga tahay muslimiinta Daafaha Duniada joogta waxaana ay soo jeediyeen in markasta iyada oo lawaynaynayo Rasuulka lana jecel yahay laxuso.

Gaba-gabadii waxa Munaasibadan lagu soo bandhigay Gabayo iyo Qasiidooyin Ka turjumaya Maalinta Qiimaha u leh muslimiinta waxaana ay Maalintan Awgeed hambalyo u direen dadka maslimiinta ah.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here