Jabuuti: Mudaharaadyadda Canfartu Ma ‘Dhamaadkii Xukunka Geellaa’…

0
559

Jabuuti (Hargeisa Press): Dad gaadhaya ilaa 30 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen mudaharaadyo rebshado watay oo maalintii labaad ka socda dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Mudaharaadyadan oo sameeyeen dadka qawmiyadda Canfarta ayay kaga soo hor jeedaan xadhiga nin wax ku qora baraha bulshadda ee Internet-ka oo ay dawladda Jabuuti xidhay.

Waxaanay wararku sheegayaan in mudaharaadyadda xoogoodu ay ka dhaceen magaaladda Arxiiba ee magaaladda Jabuuti.

Sidoo kale waxay mudaharaadyadaasi ka dhaceen magaalooyinka Tajdoura iyo Randa oo ay degaan ahaan u badan yihiin qawmiyadda Canfartu.

Mudaharaadyadan rebshadaha watay oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka socda dalka Jabuuti, ayaa lagu soo waramayaa in ay ilaa caawa socdaan.

Dadka mudaharaadyadda dhigayay oo u badan dhalinyaro ayaa Wadooyinka ku gubay Taayiro, isla markaana xidhay jidadka waaweyn ee magaalooyinka ay qawmiyadda Canfartu u badan tahay.

Mudaharaadeyaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku muuinayeen siday uga xun yihiin xadhiga ay xukuumadu kula kacday ninkan baraha bulshadda Internet-ka wax ku qora oo inta badan dhaliila xukuumadda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaanay ku dhawaaqayeen hal-ku dhegyo ay xukuumadda kaga dalbanayaan in xoriyadiisa loo soo celiyo ninkan la xidhay.

Dhinaca kale rebshadahan iyo mudaharaadyadan ka dhacay dalka Jabuuti ayaa noqonaya kuwii  ugu horeeyay ee noocoodda ah oo dalkaasi ka dhaca mudadda uu xukunka hayay madaxweyne Geelle.

Dadka wax falan qeeya ayaana ku tilmaamay mudaharaadyadan ay dhigeen qawmiyadda Canfartu in ay dhabaha u xaadhi karaan isu-soo baxyo kale oo ay sameeyaan qawmiyadaha kale ee dalkaas ku nool.

Taasoo laga yaabo in ayba keento mudaharaadyo lagaga soo hor jeeddo xukunka madaxweyne Geelle, ee mudadda dheer ka talinayay wadankaasi Jabuuti.

Kaasoo lagu eedeeyo in uu cabudhiyo xoriyatul qawlka, isla markaana ciqaab adag mariyo cid kastoo uu u arko in ay xukunkiisa diidan tahay.

Maadaama bulshadda dalkaasi cabsi ay ka qabaan in la dhibaateeyo aw geed ka hadli karin wax ku saabsan nidaamka keli-taliska ah ee Ismaaciil Cumar Geelle.

Hase yeeshee mudaharaadyadan Canfarta ayaa loo arkaa in ay ka dhashaan kuwo la mida isu-soo baxyadii xukunka lagaga tuuray hogaamiyeyaal badan oo wadamadda Carabta iyo islaamkaba ka mida.

Waxaanay dadka siyaasadda falanqeeyaa sheegayaan in mudaharaadyadan Canfartu ay dhiiri geliyaan in qawmiyado kale-na ay sameeyaan, taasoo haddii ay dhacdo halis ku ah xukunka Guunka ah ee Geelle, isla markaana galaafan karta dawladda uu hogaamiye Ismaaciil Cumar Geelle.

Isku soo wada duuboo, isu-soo baxyadan Jabuuti ka dhacay ayaa haddii ay sii socdaan waxay  soo gebagabayn doonta nidaamka Geelle ee mudadda dheer ka talinayya dalka Jabuuti.

Iyadoo ay mudaharaadyadani horseedi karaan in qawmiyadaha kale-na ay ku kacaan nidaamka Geelle.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here