Taliyihii Ciidamadda Booliska Somaliland Oo Maanta Hargaysa Lagu Aasay

0
621

Hargaysa (Hargeisa Press): Waxaa maanta qubuuraha Masalaha ee koonfurta Hargaysa aas qaran loogu sameeyay ALLE ha u naxariistee taliyihii ciidamadda booliska Somaliland sareeye guuto C/laahi Fadal Iimaan, oo xalay geeriyooday.

Aaska qaran ee loo sameeyey taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan, waxaa madaxweynaha kala qayb-galay shir-guddoonka goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, taliyayaal ka tirsan ciidamada kala duwan ee qaranka.

Xildhibaanno, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, salaadiin, culmimaa’udiin iyo badiba haldoorka reer Somaliland, waxana salaadda jinaasada lagaga tukaday masaasjika Sheekh Mustafe ee magaalada Hargaysa.

Waxa kaloo aaska marxuumka ka soo qayb galay kumanaan dadweyne ah oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshadda, iyadoo qaarkood ay goboladda dalka ka kala yimaadeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaanba ciidanka Booliska iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ahaa taliyihii ciidanka Booliska Somaliland.

Waxaanu marxuumka ku sifeeyey halyey waqti badan geliyey dhismaha qarankiisa iyo Aas-aaska nabadgelyada.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Marxuum Cabdilaahi Fadal uu noloshiisa u huray hirgelinta nabadda iyo dhismaha ciidamada Booliska Somaliland.

“Ninkaasi intii uu noolaa qaranka uun buu u shaqaynayey, soddonkii sanno ee ugu dambeeyey Somaliland maalintii la Aas aasay ilaa iyo maanta waxan u malaynayaa nabadgelyada nin la mid ah mooyaane, nin uga badsaday dhisiddeeda iyo ilaalinteeda in aanu jirin.

Sarkaal hoose ayuu kasoo bilaabay iyada oo aannu xabsi jirin, ilaa maanta uu ciidanka dhan ee uu sarreeye gaaska ka ahaa ka dhismay, intaas oo taliye oo soo shaqaysayna hawlgelinta ayuun buu ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah u xusay sifooyinkii lama illaawaanka ahaa ee Marxuumku lahaa waqtiyadii uu shaqada ku jirey.

Waxaanu yidhi, “Telefoonkiisu ma damaynin, ma seexanayn, ma nasanayn oo nabadgelyada uun buu u taagnaa hadh iyo habeen, Ilaahayna wuu ka abaalmarin doonaa, Taariikh ifka oo wanaagsan oo halgan uu dalkiisa dhisayna wuu leeyahay.”

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo xabaasha dusheeda ka hadlay, ayaa tilmaamay inuu marxuumku ka mid ahaa bud-bigayaashii nabadda ay Somaliland ku naalloonayso.

Waxaanu hoosta ka xarriiqay inuu waqti badan geliyey dhismaha ciidanka Booliska iyo tayeyntooda, isaga oo wasiirku tacsi u diray ciidamada Booliska iyo ehelladii uu marxuumku ka baxay.

Guddoomiyeyaasha goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, ayaa iyaga-na si isku mid ah tacsi ugu diray ehelladii uu marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan, ka baxay iyo ciidamada Booliska Somaliland.

Waxaanay masuuliyiintaasi ku dheeraadeen doorkii uu ku lahaa dhismaha nabadda iyo tayaynta ciidamadda booliska Somaliland.

Geesta kale qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka oo hadallo kooban ka jeediyey goobta Aaska, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Waxaanay saraakiishaasi tacsi u direen ehelladii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo ciidanka Booliska ee uu taliyahooda ahaa.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here