Somaliland: 450 Arday Oo Waxbarasho Ugu Baxay Itoobiya

0
518

Hargaysa (Hargeisa Press): Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa munaasibad sagootin ah u sameeyay 450 Arday oo deeq waxbarasho loogu diray dalka Itoobiya.

Xafladan oo ka dhacday hoolka shirarka ee hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ee magaaladda Hargaysa,  waxaa khudbado uga jeediyay ardayda masuuliyiinta sar sare iyo madaxda laamaha kala duwan ee wasaaraddaasi.

Kuwaasoo kula dar-daarmay ardayda in ay fursaddan waxbarasho ee ay heleen ka soo faa’iidaystaan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa ardaydaasi u jeediyay hadal dar-daaran iyo wacyigelin ah oo ku wajaahan safarka waxbarasho ee ay u bixi doonaan ardaydaasi.

Cismaan Jaamac Aadan, waxa uu  sheegay in madaxweynaha Somaliland uu suurto geliyay deeqdan waxbarasho ee ay heleen ardayda loo dirayo dalka Itoobiya.

Waxaanu yidhi “Tacliinta lacag la’aanta ah ee maanta halkan aad isugu soo urrurteen, waxaa suurtageliyay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Fikradiisa madaxweyne-nimo ee uu ka qabo waxbarashada iyo sida uu u doonayo in wadankani xaga aqoonta hore uga kaco, ayay ka mid tahay 500  iyo 450 iyo 70-ka kale.

Shan boqol iyo dheeraad arday in sanadkan loo diro Itoobiya, oo ay wax soo bartaan, laga-na bixiyo noolkii ay ku tegi lahaayeen dalkaasi, la-na soo dhaweeyo si cadaaladda loogu qaybiyo goboladda dalka, oo intii aan hore u tegi jirin la siiyo, waxaa weeyaan fikradda madaxweynaha iyo dawladdiisa.

Aad iyo aad ayuu madaxweynuhu u mahadsan yahay, wasaaradda-na waa uu ku garab taagan yahay, ficilada ay samaynayso ee ay taasi ka mid tahay, ee isagu uu gadh-wadeenka noogu yahay”.

Geesta kale wasiirka waxbarashadu waxa uu sheegay in la tayaynayo waxbarashadda dawladda, iyadoo muwaadiniinta si siman loogu qaybinayo deeqaha waxbarasho.

Waxaanu wasiir Cismaan, ardayda waxbarashadda tegaya u jeediyay in ay gartaan faa’iidda ay leedahay waxbarashadan bilaashka ah ee loo diray, isla markaana ay ku dedaalaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen waxbarashadda loo diray.

“Waxbarashadda waa la tayaynayaa, dadka muwaadiniinta ah ee dalka jooga ayaa loo simayaa, qof si gaara oo dheeradda wax loogu qabanayaa-na ma jiro. Waxaa la doonayaa in aad garataan faa’iidada uu leeyadahay waxbarashadda bilaashka ah ee aad hesheen.

Qof wallow-ba halkaad is dhigto uun baad aduunyada ku leedahay. Haddii aad si aadda wax-u-barata-na wax ku celinayaa ma jiro, haddii aad khasaarisa-na ad-na waad is khasaarisay uun, wadanka-na waad khasaarisay”ayuu yidhi wasiirka waxbarashadu.

Dhiaca kale Cismaan Jaamac Aadan, ayaa kula dar-daarmay ardayda waxbarashadda u baxday in ay noqdaan kuwo dhaqankoodda ku adag, maadaama oo wadanka Itoobiya ee ay tegayaan ay ku nool yihiin bulshooyin kala dhaqan ah.

Waxaanu yidhi “Dhaqamo kala duwan ayaad u tegaysaan, oo qudheeda Itoobiya dhaqamadeedu way kala duwan yihiin, waxaad ugu tegaysaan dawladdo kale oo ardaydeedu joogaan.

Waana fursado kale oo aad ku baranaysaan ummado kale, oo aad ku baranaysaan dhaqankooda, iyo macaamiladooda, iyo sida ay yihiin, oo ardayga Hargaysa jaamacada ku jira aanu haysanin”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here