Mucaaradka Somaliland oo Shaaciyay Goorta Ay Billaabayaan Bannaan-baxyada

0
1543

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID oo goordhawayd warbaahinta la hadlay, ayaa shaaciyay goorta ay Bannaan-baxayaan, iyagoona mar kale xukuumadda u gudbiyay waraaq ay ku ogaysiinayaan in ay dib u bilaabayaan mudaharaadadii.

Mucaaradka, ayaa sheegay in ay bilaabayaan mudaharaado ay ugu magacdareen “badbaadada Somaliland”, oo ay kaga soo horjeedaan in doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 13 November ay dib u dhacdo.

Mucaaradka, ayaa sheegay in bannaanbaxyadu ay jawaab u yihiin doonista shacabka Somaliland, oo ay sheegeen in ay rajaynayaan in doorasho qabsoonto iyo in xukuumadda Somaliland lagu soo dabaalo nidaamkii doorashada, waxa ay sheegeen in doonista shacabku tahay awooda ugu saraysa ee dal kasta oo dimuquraadi ah.

Waxaa kaloo ay sheegeen in qodobka 32aad ee dastuurka faqradiisa 2aad ay damaanad qaaday xaqa ay muwaadiniintu u leeyihiin in ay dareenkooda cabiraan, isla markaana dhamaan xeerarka ka farcama qodobadani ay yihiin dabaraacyo.

Mucaaradka, ayaa 28/5/2022 xukuumada u gudbiyay ogaysiis kan oo kale ah, kadibna mucaaradka, ayaa ka biyo diiday shuruudo uu xeerka nidaamka dadweynuhu jidaynayo oo xukuumadu hor dhigtay, sida in ay soo sheegaan goobta mudaharaadku ka dhacayo iyo wakhtiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here