Xildhibaan Axmed Khaliif: ”Madaxweyne Ma Xirsi Baa Kaala Cuslaaday Qarankan”

0
1501

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaan Axmed Jaamac Saalax oo ka mudenayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay murranka iyo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, isagoo eedaymo kulul u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Xildhibaanka, ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweyne Biixi uu la xintamayo guddoomiyaha cusub ee uu xisbiga Waddani yeeshay ee Xirsi Cali Xaaji Xasan, isla markaana uu madaxweynuhu is badalay markii uu Xirsi qabsaday xisbiga Waddani.

Mar uu ka hadlayay mudaharaadyada ay ku baaqayaan mucaaradku oo xukuumaddu ku tilmaantay in ay yihiin kuwo aan sharci ahayn, balse wuxuu sheegay in axsaabta mucaaradku xaq u leeyihiin in ay mudaharaad isugu soo baxaan.

Xildhibaan kale Axmed Jaamac Saalax, ayaa sheegay in mudaharaadka ay ku baaqeen axsaabta mucaaradku yahay mid si nabad ah u dhacaya, isla markaana aannay jirin wax sharci ah oo diidaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here