Hoobiyeyaal Lagu Weeraray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

0
491

Muqdisho (Hargeisa Press) – Faahfaahino dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo maanta lagu qaaday agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah, ayaa sheegay in hoobiyeyaasha oo gaadhayay illaa 5 madfac ay ku dhaceen xaafado ku yaalla dhinaca Filorensa oo ku dhow xarunta Villa Soomaaliya.

Wararka, ayaa sheegaya in dad shacab ah ay waxyeelo ka soo gaadheen hoobiyeyaashaas oo ku dhacay guryhooda, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaafiicda laga soo tuuray dhanka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya, ayaa sidoo kale bilaabay howlgallo baadhitaano ah, kadib weerarkaas oo uu bartilmaameedkiisu ahaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarka waxaa lagu soo beegay xilli uu socday kulan ay lahaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo lagu ansixiyay golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here