Minnesota: Walaac Laga Qabo Dhallinyarada Soomaalida Ee Daroogada Isticmaala

0
1566

Minnesota (Hargeisa Press)- Waxaa isa soo taraya walaaca ay bulshada Soomaalida ee gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka ka qabto adeegsiga maandooriyaha ee kusoo badanaya dhallinyarada Soomaalida ee gobolkaas daggan.

Maandooriyeyaasha ayaa ah kuwo laga sameeyo kaniino la isku dardaray, iyo sidoo kale kuwo kaniino aad u culus oo ay dhakhaatiirtu siiyaan oo kaliya bukaanada uu hayo xanuunka xad dhaafka ah kuwaasoo ay dhallinyaradu ku hesho hab suuq madow ah.

Cisbitaalka Hennepin ee magaalada Minneapolis, ayaa todobaadkan waxaa la dhigay 7 dhallinyaro ah oo aad ugu xanuunsaday isticmaalka maandooriyayaha, iyadoo laba ka mid ahna ay geeriyoodeen.

Waalidiinta ayaa hadda billaabay inay fiiro gaar ah u yeeshaan carruurtoda qaangaadhka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here