Wefti Ka Socda Dalka Masar oo Safar Qarsoodi Ah Ku Yimid Somaliland

0
5854

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wafti ka socda dalka Masar ayaa toddobaadkan soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Sida ilo xogogaal ahi sheegeen, weftigan ka socda dawladda Masar ayaa shirar heer sare ah oo ay la yeesheen xubno ka tirsan dawladda Somaliland ku saabsanaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xubnaha waftiga oo booqashadoodu ay laba maalmood qaadatay ay shirarkaasi la qaateen Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Waxbarashada, iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga.

Ma cadda in Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi la kulmay weftiga Masar.

Sida laga soo xigtay xubin ka mid ah dawladda Somaliland, kulanka ayaa laga soo bilaabay heer aad u sareeya kuwaas oo si dhow u eegaya xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dhowaan la aasaasay ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan.

Ilo wareedyada ayaa intaa ku daraya in dawladda Itoobiya ay ka cadhootay markii weftiga Masar yimid Hargeysa.

In kasta oo ay hore u jireen xidhiidh heer sare ah oo ka dhexeeya Somaliland iyo Masar, haddana booqashadan weftiga Masar Somaliland ku yimaadeen waxay ku soo beegmaysaa xilli xiisad kacsan oo u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya ay ka taagan tahay biyo-xidheenka webiga Nile.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here