Milicsiga Manhajka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

0
877

Manhajka waxbarasho waa tiir muhiim u ah jiritaanka ummadnimo. Waa astaanta ugu mudan iyo qiimiga ugu sarreeya ee ummadi yeelan karto. Waxa uu ka turjumaa ujeeddooyinka ay bulsho kastaa nolosha ka leedahay. Ummadaha adduunyadu waxay ku kala geddisan yihiin ahdaafta tacliinta laga leeyahay, waxaanay u kala horumar badan yihiin sida ay manaahiijtoodu u kala tayo sarrayso. Ummadi ma xorowdo ilaa tacliinteedu ku salaysnaato baahiyaheeda iyo sida ay u aragto abuurta, adduunka, nolosha, mustaqbalka, i.w.m. Taabbo-galinta manhaj hufan oo ummadi leedahay waa muraayadda laga hilaadiyo waayaha mustaqbal ee bulshadaas.

 

Dhowaan waxa dalka laga hirgaliyay manhajkii ugu horreeyay ee waxbarasho ee Somaliland samaysato, iyada oo ka madaxbannaan saamaynta fikir ee shisheeyaha. Manhajkan cusub oo tayadiisu aqooneed la majeertay waxa hawshiisa dhabarka u ritay Machadka Manaahiijta Qaranka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland. Waxa lagu daabacay nashqad aad u qurxoon iyo farsamo tayo sare leh. Waxa daabacaddiisa loo galay tartan furan, waxaana ku guulaysatay shirkadda HEMA oo lagu xushay qiimaha iyo tayada. Waxa qorshuhu yahay in buugaagtaasi qiime aad u jaban ku gaadhaan arday kasta oo Somaliland wax ka barta, dugsi hoose, dhexe iyo mid sare intaba. Hirgalinta manhajku waxay ahayd tallaabo mudan in mar hore ba la qaado, waxay se u baahnayd dhiirranaan iyo ku-dhac. Waxa geesinnimadaa Rabbi waafajiyay Wasiirka hadda hoggaamiya Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare  Md. Cabdillaahi Ibraahin Habbane.

 

Dugsiyada Gaarka loo leeyahay:

Isbeddal kastaa wuxu leeyahay xanuunkiisa, maslaxad kasta oo ummadeedna waxay leedahay dad cadaw u ah oo ka cabsi qaba in hirgalinta danaha wadareed tooda gaarka ah bara-bixiso. Sidaa darteed, tallaabadan yididiilada leh waxa judhiiba ka hor yimid kooxo ganacsato ah oo danahooda dhaqaale ka dhex arki waayay isbeddalkan. Waa kooxaha dambaaba dugsiyada gaarka loo leeyahay oo daabacaadda buugaagtan ku urursada lacago qayral-xad ah oo ay awoodi karaan oo qudha dabaqadda hantiilayda ahi. Hurintan oo ku midoobay dallad ay ula baxeen “Alfajri” waxay intii hore ku doodayeen ‘manhajka samayntiisii nalagalama tashan”. Laakiin iminka waxay xaaladdu maraysaa ‘Alamtarana soo dhaaf!’

 

Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo dhami ma sinna. Waxa jira qaar aan hay’ado shisheeye iyo NGO-yo dabada ku haynnin, balse hayaankooda tacliimeed meel hoose ka soo bilaabay sida dugsiyada Nuuraddiin. Kuwaasi waxay mudan yihiin in dawladnimadu dhiirrigaliso, waxaanay u qalmaan in si gaar ah loo eego. Waxa sidoo kale jira kuwa aan manhajka dawladdaba qaadan oo masaaliix shisheeye dabada ku haya, waana kuwa ku fooggan khalkhal-galinta geeddi-socodka manhajka cusub ee Somaliland. Iyaga ayaynnu qaybtan kaga hadli doonnaa.

 

Dugsiyadani waxay is tusiyeen in dugsiyada dawliga ahi halis ku yihiin jiritaankooda fog. Dabadeed, waxay u tafa-xayteen nuxurtirka iyo maydhaamista dugsiyada xukuumiga ah, waxaanay noqdeen qalab u taagan cadaadinta iyo duudsiga ardayga saboolka ah ee aan awoodin waxbarashada iibka ah. Iyaga oo adeegsanaya dhaqaalaha xooggan ay ardayda ka qaadaan waxay la wareegeen macallimiintii ugu mudnaa ee dugsiyada dawliga ah. Waxay qorshaysteen in ardayda dugsiyadaasi noqdaan wax iyaga xaggooda u soo wareega, wax tacliintaba ka niyadjaba, iyo wax dalkaba ka suudala. Waxay maanta marayaan inay waxba kama jiraan ku tilmaamaan go’aammadii dawliga ah ee tacliinta khuseeyay. Malaha ma oga in ay wax ku yihiin aqoonsiga dawladeed oo haddii ruqsadda lagala noqdo subax qudh ah laga wada dareeri doono. Xataa haddii aanay maanta ahayn, hubaal, sidan ma sii ahaan doonaan.

 

Agaasimaha Guud:

Toddobaad kadib markii ay dugsiyada gaarka loo leeyahay deeddafeeyeen hirgalinta manhajka, ayuu soo baxay khilaaf u dhexeeya Agaasimaha Guud iyo Wasiirka Waxbarashada. 6/8/2016 ayuu Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Habbane soo saaray warqad uu shaqada kaga joojinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Abiib Axmed Cali.  Marka la soo koobo, Wasiirku waxa uu shaqo-joojinta Agaasimaha ku sababeeyay saddex qodob oo waaweyn: Wada-shaqayn la’aan baahsan, Amardiiddo badan iyo aflegaaddo joogto ah. Hirgalinta Manhajka cusub ee Somaliland waxa uu ka mid ahaa tallaabooyinka uu Wasiirku ku eedeeyay inuu Agaasimaha guud si badheedh ah u hagardaamaynayo. 10/8/2016 ayuu Agaasime Abiib ka jawaabay eedaymaha Wasiirku shaqada kaga joojiyay. Agaasimuhu wuxu qoraalkiisa ku qiray in uu sameeyay amar-diiddo iyo wada-shaqayn la’aan, isla markaana uu manhajka cusub ka soo hor jeedo. Waxa kale oo qoraalkiisa ka muuqday aflegaaddooyin faro badan, kuwaas oo uu xataa ku liidayo aqoonta khubaradii manhajka dejisay. Marka si kooban looga hadlana, qoraalka agaasimuhu wuxu maragfur u ahaa eedaha uu Wasiirku u soo jeediyay.

 

 

Ma aha markii ugu horraysay ee ay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada shaqada isku khilaafaan Wasiir uu la shaqaynayo, isla markaana sidan oo kale shaqada looga joojiyo. Muddadii ay Xukuumadda Siilaanyo jirtay, waa markii afaraad ee ay si xooggan isku maandhaafaan Wasiirka uu shaqo-wadaagta la yahay. Hore waxa looga soo beddalay Wasaaradaha kala ah: Wershadaha, Ganacsiga iyo Caddaaladda, kadib markii uu la shaqayn kari waayay Wasiirradii wasaaradahaas. Haddaba, wadar iyo waaxid iyamaa waalan? Ta kale, waxani ma ka garasho-darraa, mise waa wax kale?

 

 

Talo-bixin:

Guul kasta oo ka dhalata hirgalinta Manhajkani waa guul u soo hoyatay qaranka Somaliland iyo xukuumadda talada haysa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, guuldarro kasta oo ku timaaddaana waa dibudhac qaranka soo waajahay. Sidaas darteed, aniga oo tixraacaya meerisyadii Hadraawi ee ahaa: “Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaannin”, isla markaasna tixgalinaya masuuliyadda dhammaanteenba innaga saaran inaynnu si wadar ah u difaacanno guulaheenna ummadnimo, waxa aan qormadan kaga baxayaa talo kooban oo ku socota Madaxweynaha iyo Madaxtooyada Somaliland.

 

  1. Iyada oo laga taxaddarayo isku-milanka danaha qofeed iyo kuwa ummadeed (conflict of interest) waa in madaxweynuhu baadhis madax-bannaan u saaro Wasaaradda Waxbarashada si loo hubiyo in madaxda sare ee Wasaaraddu ka madaxbannaan yihiin lahaanshaha dugsiyo gaar ah, taas oo haddii ay jirto lafjab ku noqonaysa hirgalinta himilooyinka ummadda.

 

  1. Jinni ninkii keenaa saaree, haddii Agaasimahani aanu aqoon u lahayn hannaanka shaqo iyo haddii kale labadaba, madaxweynaha ayay tahay inuu furdaamiyo maadaama uu jillaafo ku yahay horumarka ummadda.

 

 

Maxamed Saleebaan Cumar

Email: halabuur@hotmail.com

Twitter: @halabuur

Hargeysa, Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here