Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Qarraar Ka Soo Saartay Xeerka Furista Ururadda

0
740

Hargaysa (HP): Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa qarraar ka soo saartay xeerka furista ururadda siyaasadda iyo axsaabta qaranka Somaliland oo ay hore ugu soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiiladda.
Maxkamadu waxay aqbashay arjiga ku taariikhaysnaa 02/01/2022 ee ay maxkamadda u soo gudbiyeen muwaadiniin ka koobnaa 24 xubnood, u jeedadiisuna tahay dacwad dastuuri ah oo ku saabsan dhaqan gelinta xeer Lr. 14/2011 iyo furista ururadda siyaasadda.
Waxaanay maxkamadda sare ee Somaliland qarraarkeedda ku sheegtay waxaa dhaqan gal ah wax ka bedelka iyo kaabista xeerka nidaamka ururadda iyo axsaabta siyaasadda xeer Lr. 14/2011.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ay goor dhawayd soo saartay maxkamadda sare ee Somaliland.
Waxa kaloo qaraarka maxkamadda lagu sheegay in ay laashay in doorashadda xisbiyadda/ ururadda siyaasadda lagu Dabro doorashadda goleyaasha deegaanka.
Waxaanay noqonaysaa doorashadda xisbiyadda/ ururadda siyaasadu mid toos ah oo ay qabato guddiga doorashooyinka qaranka.
Kala reebista xisbiyadda/ ururadda siyaasadda waxaa loo raacayaa sida uu dhigayo qodobka 6aad ee wax ka bedelka iyo kaabista xeerka nidaamka ururadda iyo axsaabta siyaasadda, xeer Lr. 14/2011 oo ku salaysan doorasho toos ah oo aan ku Dabranayn doorashadda goleyaasha deegaanka.
Qaraarka maxkamadda sare ay soo saartay na waxay u dhignayd sidan:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here