Buuhoodle: Wasaaradda Biyaha Oo Dib U Kicisay Ceel Biyood

0
365

Buuhoodle (HP): Maamulka iyo bulshada gobolka Buuhoodle ayaa ka mahad celinayay Ceelka Faarax Bulay oo ay Wasaaradda Biyaha Somaliland dib u Kicisay.
Ceelka Faarax-bulay ee Buuhoodle oo in muddo ah fadhiyey ayaa todobaadkan dib loo kiciyay.
Waxaana si weyn u soo dhaweeyay ceelkaasi Faarax Buley ee dib ay u kicisay wasaaradda biyaha Somaliland maamulka iyo shacabka deegaankaasi.

Ceelkan deegaanka Faarax Buley, ee ay wasaaradda biyaha Somaliland ayaa in muddo ahba cilad ku timid darteed u fadhiyay, kaasoo ay si weyn ugu baahdeen dadka iyo duunyadda deegaankaasi.
Dib u kicinta ceelka Faarax Buley, ayaa imanaysa xili aya deegaamadda gobolka Buuhoodle ka taagan tahay abaar iyo biyo la’aan aad u daran oo taabatay bulshadda deegaankaasi ku nool.

Daawo: Maamulka iyo Bulshadda Buuhoodle oo kicinta Ceelkaasi Ka mahad celinaya:


Hargeisa Presss.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here