“Maxkamadda ay sheegayaan DP World mid anaga na qabata ma aha waxay naga qaadi karto ayaaba yar”… Madaxweynaha Jabuuti

0
705

Djibouti (HP): Madaxweynaha dalka jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegay in aanay marnaba qadanaynin go’aankii ay maxkamad ku taalla magaaladda London dhawaan gaadhay ee la xidhiidhay muranka u dhexeeya dawladiisa iyo shirkadda DP World.

Waxaanu tilmaamay in aanay DP World wanaag doonaynin si loo xaliyo muranka ka dhexeeya dalkiisa iyo shirkadaasi, isla markaana aanu waxba ka qaadi Karin dalkiisa go’aanka maxkamadaasi gaadhay.

Madaxweyne Geelle, waxa uu sheegay in Jabuuti ay diyaar u tahay in ay mag-dhaw bixiso, balse aanay marnaba iibin doonin gobanimadeedda.

Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu sidan ku sheegay waraysi dheer oo ay la yeelatay laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda VOA.

Waxaanu waraysigaasi kaga hadlay caqabadaha dhinaca dhaqaale ee dalka Jabuuti, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kursiga ay dawladiisa iyo Kenya isku haystaan ee qaramadda midoobay iyo arrimo kale.

Halkan Ka Daawo Waraysigaasi Oo Dhamaystiran:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here