Somaliland: Maxkamadaha Oo Xukun-Qar-qoosh U Adeegsadda Dadka Qaadka Lagu Soo Qabto

0
680

Hargaysa (HP):  Maxkamadaha goboladda Somaliland ayaa maalmahan si weyn ugu hawlan xukunno kala duwan oo isugu jira xabsi, ganaax lacageed iyo la wareegid baabuur dadka lagu soo qabto iyagoo Qaadka soo gelinaya magaalooyinka.

Iyadoo arrintaasi ka socotay maxkamadaha dalka tan iyo wixii ka danbeeyay markii Somaliland laga hakiyay  Qaadka uga yimaadda Itoobiya.

Taasoo khasaare isugu jira Dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyeedba ay ka dhasheen marka qarsoodi lagu soo gelinayo magaalooyinka.

Waxaanay maanta maxkamadda gobolka Maroodijeex waxay xukuno kala duwan ku riday 12 eedaysane oo la sheegay in ay si sharci darro ah Qaad u soo gelinayeen magaaladda Hargaysa.

Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaana maanta yeelatay laba fadhi oo kala duwan oo si furan loogu dhegaystay dacwadda 12-ka qof ee eedaysaneyaasha ahaa.

Eedaysaneyaashaasi ayaa lagu riday xukunno isugu jiray 2 sanadood iyo laba sanno iyo badh xabsi ah iyo ganaxyo lacageed.

Ku-x-geenka xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda gobolka Maroodijeex garyaqaan C/fataax Yuusuf C/laahi (Shan-daqiiqo),  ayaa ka warbixiyay kiisaska loo haysto eedaysaneyaashaasi, tiradoodda iyo xukunnada lagu riday.

Waxaanu yidhi, “Todobadaa nin iyo gaadiidkii ay wateen waxaanu ku soo eedaynay in ay Qaad soo gelinayeen magaaladda. Waxay isugu jiraan 6 nin iyo hal gabadh ah. Wax ay isaga difaacaan eedaha, maxkamadda may hor keenin.

Waxaanay badankoodu maxkamadda ka hor cadeeyeen qiraal. Kuwii aan qiraal keeni-na maxkamadda horteedda may keenin wax ay eedaha loo haysto isaga dul qaadaan.

Waxaanay maxkamadu ku xukuntay, midkiiba laba sanadood oo xadhig ah iyo 3 milyan oo ganaax maaliyadeed ah.

Sidoo kale maxkamadu waxay la wareegtay dhamanaaba baabuurtii  ay wateen eedaysaneyaashu ee ay Qaadka ku soo qaadeen, oo ay ku wareejin doonaan ciidanka qaranka Somaliland”.

Geesta kale isla maanta ayaa maxkamadda gobolka Maroodijeex waxay xukunno ku riday laba qof oo iyagna ku eedaysan in ay baabuur noociisu ahaa Booyad ay Khanka biyaha lagu shubo midkood ku soo rideen Qaad, sidaana ay ku soo gelinayeen magaaladda Hargaysa.

Kuwaasoo laga soo qabtay kaantaroolka Masalaha ee dhinaca magaaladda Baligubadle uga baxa Hargaysa, iyo halka midkoodna laga soo qabtay dhinaca galbeed ee magaaladda Hargaysa, isagoo Qaad soo gelinayay.

Waxaa faahfaahin ka bixiyay xukunnada lagu riday eedaysaneyaashan xu-x-geenka xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda gobolka Maroodijeex.

“Dhamaantood waxaa lagu xukumay laba sanadood oo xabsi ah iyo 3 milyan oo ganaax lacageed ah. Baabuurtii ay wateena way la wareegtay maxkamadu” ayuu yidhi  C/fataax Shan-daqiiqo.

Dhinaca kale xukunadda lagu ridayo dadkan lagu soo qabto in ay Qaadka soo gelinayeen magaalooyinka Somaliland ayaanu jirin sharci loo cuskanayo xukunkoodda oo ka yaalla.

Balse waxaa taa bedelkeedda garsooreyaashu ay u adeegsanayaan sharciga Mukhaadaraadka iyo in ay ka hor yimaadeen amarkii hakinta Qaadka.

Inkastoo aanay xeerarka Somaliland denbi iyo mukhaadaraad ku sheegin Qaadka, hadana waxaa dadkaasi lagu xukumaa xukun-qar-qoosh aan melena kaga oolin shuruucda dalka.

Gebi ahaanba xukunnada ay maalmahan ridayeen maxkamadaha Somaliland ayaan loo cuskan wax shuruuc ama xeerar ah, marka laga reebo in ay Qaadka oo dalka laga hakiyay muddo bilk u dhaw dalka soo gelinayeen.

Si kastaba ha ahaatee, waxay bulshadu si aad ah isu waydiinayaan walaacna ka muujiyeen dhibaatadda ka dhalan karta haddii ay sii socdaan xukun-qar-qooshan, isugu jira xabsiga iyo ganaaxa lacageed ee aan meelna sharciga Somaliland kaga qornayn ee ay maxkamadaha dalku ku ridayaan dadka Qaadka lagu soo qabto, isla markaana lagula wareegayo hantidoodii.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here