Goboladda Bariga Somaliland Oo Ka Qatan Agabka Ka Hor Taga Covid-19

0
599

Burco (HP): Bulshadda goboladda bariga Somaliland ku nool ayaa mudooyinkan waxay aad uga cabanayaan in aan wax agabka lagaga gaashaamanayo caabuqa Covid-19 aanay xukuumadu waxba ka soo gaadhsiinin.

Cabashadda bulshadda goboladda bariga oo maalmahanba soo baxaysay ayaa la xidhiidha in aan gebi ahaanba waxba laga gaadhsiinin qalabyadda nadaafadda iyo kuwa Af-xidhka iyo Gacmo gashiga ee lagaga gaashaamanayo caabuqaasi.

Tabashadda iyo saluuga dadka goboladda bari waxaa sii xoojiyay sida aanay waxba uga soo gaadhin caawimooyinka Coronavirus ee dawladaha, ganacsatadda iyo shirkadaha xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha deegaanka Burco.

Mubaarig Yuusuf Bidhi, wuxuu  sheegay in wasaaradda caafimaadka Somaliland, guddiga heer qaran ee ka hor taga Covid-19 iyo guud ahaanba xukuumadaba aanay jirin haba yaraatee wax laga soo gaadhsiiyay goboladda bariga,  caawimooyinkaasi meelaha kala duwan ka soo gaadhay Somaliland.

Xildhibaan Bidhi, waxa kaloo uu ka hadlay sida aanay goboladda bariga Somaliland gaar ahaan Togdheer uga qatan yihiin ee aanay waxba uga soo gaadhin agabka ka diyaar garowga Corona.

Waxaanu yidhi “Marka laga yimaado caasimadda ee Hargaysa oo ay ku badan yihiin dadka ugu badan, Burco waa caasimadii labaad ee ugu dadka badan, waa xuduntii goboladda bariga Somaliland.

Gobolka Togdheer waxa uu xuduudo la leeyahay dalal badan iyo gobolo badan. Soomaaliya ayaanu xuduud la leenahay, Itoobiya ayaanu xuduud la leenahay, waxaanu xuduud la leenahay maamul goboleedka Puntland.

Intaas oo meelood anagoo xuduud la leh, ayaanaan hada-na maanta, ilaa maalintii xanuunka Covid-19 aduunka ka bilaabmay, ayaanaan wax mucaawimo ah ama qalab ah, oo soo gaadhay gobolkani Togdheer aanu jirin”.

Xildhibaan Bidhi, oo maanta hadal ka jeediyay madal ay dhalinyaro reer Burco ah xafiiska wasaaradda caafimaadka ee Togdheer ugu wareejinayeen agab macmal ah oo ay gacantoodda ku farsameeyeen oo lagaga gaashaamanayo caabuqa Covid-19.

Waxa uu  ku dooday in maalin walba ay diyaarado sida qalab kala duwan oo lagaga hor tegayo caabuqa Coronavirus. Waxaanu yidhi, “Waxaanu arkaynaa maalin walba in diyaaradi Hargaysa imanaysa.

Tii Turkiga ayaa ee caawimadda Coronavirus siday ayaa timid Hargaysa, waxba nagama soo gaadhin, ganacsato badan ayaa qaarna wax keeneen, qaarna soo wadaan, waxba nagama soo gaadhin”.

Geesta xildhibaan Bidhi, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland in uu arrintaasi wax ka qabto, isla markaana bulshadda goboladda bariga wixii loo qorsheeyay la soo gaadhsiiyo.

Waxaanu tilmaamay bulshadii isaga ka xildhibaan ahaan soo doortay wax uu ugu jawaabo aanay jirin, maadaama oo aan wixii xaqa ay u lahaayeen la soo gaadhsiinin.

“Markaan u hadlayo bulshadii I soo dooratay, waxaan leeyahay madaxweyne, halka-na (Togdheer) waxaa jooga dadkii aad xukumaysay, galbeed-na waxaa jooga dadkii aad xukumaysay.

Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa, diyaaradahaa imanaya, ee alaabta mucaawimadda ah sida, wixii goboladda bari ay lahaayeen hala soo gaadhsiiyo.

Waanan ku cel-celinaynaa madaxweyne, oo madaxweynahayagii ayaad tahay, anagaa ku dooranay, kii ku doortay iyo kii aan ku dooran-ba madaxweyne ayaa u tahay”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here