Xildhibaan Bidhi Oo U Mahad Celiyay Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Soo Jawaabay Baaqiisii

0
1024

Hargaysa (HP): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa ku bogaadiyay xukuumadda Somaliland iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, sida deg dega ah ee ay uga soo jawaabeen baaq uu shalay u jeediyay.

Baaqaasi oo ku aadanaa in aan wax agabka lagaga gaashaanto caabuqa Coronavirus la gaadhsiinin goboladda bariga Somaliland gaar ahaana gobolka Togdheer.

Hase yeeshee baaqii xildhibaan Bidhi uu doraad jeediyay ayaa isla maanta-ba waxaa ka jawaabay wasaaradda caafimaadka Somaliland oo agabyo kala duwan oo lagaga gaashaamanayo Covid-19 ku wareejisay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi, oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda caafimaadka Somaliland ee magaaladda Hargaysa oo uu hawlo shaqo u joogo ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka agabkaasi ay u direen gobolka Togdheer.

Waxaanu yidhi, “Waxaan u mahad naqayaa madaxweynaha Somaliland, wasiirka caafimaadka Somaliland, iyo guddiga heer qaran ee ka hor taga Covid-19, oo baaqii shalay aan u jeediyay iyadoo aanay ka soo wareegin maalin, ay ka soo jawaabeen.

Wasiirka caafimaadka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, oo maanta isu-duwaha waasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Aadan Casayr, oo Hargaysa ku sugan lagu wareejiyay agab fara badan oo gobolka Togdheer loogu tallo galay, oo gawaadhidii lagu rarray ay imika Burco u baxeen. Agabkaasi oo ah agab fara badan, oo nooc walba leh”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Waan uga mahad naqaynaa mar labaad, madaxweynaha, wasiirka caafimaadka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka.

Waxaanan rejaynaynaa in wixii danbe-na inta ay leeyihiin gobolka Togdheer iyo goboladda bariga-ba, la gadhsiin doonno”ayuu yidhi xildhibaan Mubaarig Bidhi.

Geesta kale xildhibaan Mubaarig Bidhi, ayaa tilmaamay in baaqii uu doraad u jeediyay madaxweynaha Somaliland, wasaaradda caafimaadka iyo guddiga Coronavirus uu ahaa mid nasteex ah oo uu kaga digayay in laga gaashaanto dhibaato ka timaadda caabuqa Corona.

Waxaanu yidhi, “Waayo? Waxaan ka cabanaynay wuxuun bay ahayd in aan gobolka Togdheer iyo goboladda bari-ba,  si fiican wax loo soo gaadhsiinin.

Baaqaygii shalay-na wuxuu ahaa baaq aan u hadlayay ummadayda iyo shacabkayga, oo anoo la dareen ah bulshadda, haday tahay bahda caafimaadka iyo haay tahay-ba bulshadda gobolka Togdheer iyo goboladda bari-ba.

Annoo ka baqaya xanuunkan aynu og nahay, ee Xamar yaalla, ee Jabuuti yaalla, ee Itoobiya yaalla, in aanu ka maqnayn dalkeena. Cabsi aan qabo ayaanan baaqaasi u soo jeedinayay”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here