Maxaa sabab u ah inay reer Hargeysa sidii laga filayey aanay u qaadanayn gaadhkii codbixinta?

0
860

Kow, waxa jirta in dadka ku nool caasimad Hargeysa ay intooda badani dabcan ka soo jeedaan gobolada kale, markaas mar haddii sharci laga dhigay qof waliba inuu Ka codayn kara uun meesha uu ka qaato kaadhka, waxay taasi dhalisay inay dadkii reer Togdheer ee Hargeysa ku noolaa ay iska soo diiwaan geliyaan Togdheer, reer Awdalna Awdal, reer Saaxilna Saaxil, reer Gebileyna Gebiley.

 

Taasi waxay meesha ka saartay, inay dad badan oo Ka dhex muuqda/ ku nool Hargeysa, ay hore uga soo qaateen kaadhadhka goboladii ay diiwaan gelintu hore uga dhacday. Ta labaad, dhalinyaradii waxa laga dhaadhiciyey in hadii ay qaataan khaadka codbixiyayaasha oo ku dhisan farsamadan ” Cilmiga Qiyaas Qofeedka”( biometric), in hadhow haday isku dayaan inay tahriibaan, xogtooda dhabta( data-dooda) laga heli karo dalalka Yurub ee ay doonayaan inay u tahriibaan. Sidaas darteed, dhalinyaro badan oo maanka ku haysa inay tahriibaan, waxa ku dhacay fool gabax iyo cabsi arrintaas daraadeed ah.

 

Ta afraad, wadaadada reer Somaliland qaar ka mid ah, oo qudbadahoodii jimacaha ka dhawaajiyey inaanay diinta Islaamku ogolayn is diiwaan gelinta, waayo bay yidhaahdeen diiwaan gelinta waxa inoo keenay gaalo dooneysa inay diinteena Islaamka innaga fogeeyaan, si ay inoogu hirgeliyaan dimuquraadiyad iyo dhaqan gaaleed. Ta shanaad, dadkii oo ka daaley diiwaan gelinyo(fatigue) isdaba joog ah ilaayo 2009, oo hadana aan mid qudhana si fiican looga midho dhalin. Ta lixaad, xusbiyadii qaranka oo aan si cilmiyeysan uga hawl gelin, markay ka qayb qaataana uga hawl gala hab ololaysan oo wax yeeli karta geedi socodka diiwaan gelinta. Ta todobaad, dadkii oo sidoodaba Ka niyad jabay xildhibaanadii iyo madaxdii kale ay hore u soo doorteen, ha ahaato gole wakiilo, gole degaan ama mid xukuumadeedba. Waxay dadkii leeyihiin maxaan uga baahan ahay khaadh lagu codeeyo, kuwii aanu markii hore dooranayba quus baanu ka joognaaye(apathy).

 

Ta sideedaad, xukuumada oo aan saarin awoodii ay lahayd, sababtoo ah bay yidhaahdeen dadka qaarkii ” Xukuumada oo rabta muddo korodhsi danbe”. Isku soo wada xooriyoo, dad badani waxay aaminsan yihiin inay Hargeysa iska diiwaan gelin doonaan tiradii dhabta ahayd, oo ay diiwaan gelintuna si caadi ah uga socota caasimada, waayo bay yidhaahdeen imminka qalabkan la isticmalayaa ( Biometric) waxuu meesha ka saaray diiwaan gelintii lagu noqnoqon jirey, ee ay dadyowga qaarkood qaadan jireen dhowr kaadh. Loogow lagaaga fadhiyee.

 

Alikubad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here