C/raxmaan Boore oo noqday Maskaxda Dekedda Berbera ka kiraynaya Imaaraadka iyo Xurgufta siyaasadeed ee ka dhex curatay Somaliland iyo Djibouti

0
1164
Muuqaaladda ka soo baxay sawirada Danbe oo u ka dhex muuqdo ina boore weftiga Madaxweyne Siilaanyo

Dubai , (HargeisaPress) — Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ee Heshiiska la saxeexanaya dalka Imaaraadka si ay u isticmaalaan Dekedda Berbera ayaa mar kaliya waxa kazoo dhex muuqday Ganacsadaha Reer Djibouti ee C/raxmaan Boore, kaasoo ah ninka ay sida weyn ugu mucaarada maamulka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afraad xilka madaxtinimo loo dhaariyey.

 

C/raxmaan Boore ayaa noqday mukhalaska ugu weyn eel eh maskaxda Imaaraadka lagaga kiraynayo Dekeda Berbera, waxaanu in muddo ah ku mashquulsanaa sidii uu Somaliland ugu kirayn lahaa dekeda, maadaama uu Dekedda Djibouti markii hore isagu ka kireeyey Imaaraadka balse uu meesha ka baxay markii ay isku dhaceen Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Dawladda Imaaraadka iyo Dalka Jabuuti ayuu cilaaqaadkooda siyaasadeed xumaaday kadib markii ay labada dal isku dhaceen, hase yeeshee C/raxmaan Boore oo xarun ka dhigtay Imaaraadka Carabta ayaa si uu u sii kala fogeeyo in badan ku hamiyayey in uu dekeda Berbera usoo wareejiyo shuyuukhda ka talisa Imaaaraadka, taasoo Guul u noqonaysa.

 

Sida anu ka soo xiganay Wargeyska Waaheen,Muuqaaladda ka soo baxay sawirada weftiga Madaxweyne Siilaanyo ee uu gadhwadeenka u yahay C/raxmaan Boore ayaa muujinaya in xurguf siyaasadeed ka dhex qarxayso Somaliland iyo Jabuuti, iyadoo maalmahan aad loo hadal hayey meeqaamkii uu Geelle ku qaabilay madaxweyne siilaanyo in uu ahaa mid sumcadda Somaliland lagu waxyeelaynayey.

Muuqaaladda ka soo baxay sawirada Danbe oo u ka dhex muuqdo ina boore weftiga Madaxweyne Siilaanyo
Muuqaaladda ka soo baxay sawirada Danbe oo u ka dhex muuqdo ina boore weftiga Madaxweyne Siilaanyo

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale, Xukuumadda Jabuuti oo Somaliland kaga baxday Heshiiskii Fibre Optica SOMCABLE ayaa isna waran kale ku sii noqday dhaqdhaqaayada iska soo horjeeda ee danaha Djibouti iyo kuwa Somaliland ee is-diidani soo shaac-saarayaan, kuwaas oo sii kala fogaynaya heshiisyadii hoose ee xidhiidhsanaa Hargeysa iyo Jbauuti, kuwaas oo aan wax badan laga ogayn marka laga reebo Ganacsi si hoose usocday oo aanay dadweynuhu dhaadanayn.

 

Sidoo kale, warar isa soo taraya ayaa sheegaya in xukuumadda Jabuuti six un ula dhaqantay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isla markaana ay ka kaxaysay hotelkii madaxweyne siilaanyo la dajiyey, taasii sababtay in Muuse Biixi ka xanaaqo qaabka weftigooda loola dhaqmay, iyadoo markii danbe la geeyey Muuse Biixi Hotelkan, halka Siilaanyo laga dajiyey Kambiski.

 

Si kasta ha ahaatee gadh-wadeenimada Boore ee Dekedda Berbera, khilaafka gaamuray ee u dhaxeeya isaga iyo Geelle iyo sawirka ka soo baxay weftiga madaxweyne Siilaanyo waa sadex arrimood oo aan is qabanayn, waxaanay sii xoojinaysaa sii xumaanshaha cilaaqaadka sadexda geesood.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here