Berbera: Kulan Dhexmaray Wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo Shirkadda DP World

0
555

Berbera (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa maanta kulan kula yeeshay magaaladda Berbera madaxa shirkada DP World ee maamusha dekadda Berbera Mr. Supachai.


Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/kariin Aadan Cadde, ayaa maalintii labaad safar shaqo ku jooga magaaladda Berbera.
Kulankaasi oo ka dhacay xafiiska madax shirkadda DP World ee Berbera Mr. Supachai, ayay labadda dhinac kaga wada hadleen sidii wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo shirkada DP World ay ugu wada shaqayn lahaayeen ilaalinta loogu jiro deegaanka.
Waxa kaloo kulankaasi la iskula falan qeeyay dhibaatada isbedelka Cimilada oo saamayn weyn ku yeelatay guud ahaanba adduunka oo dhan, iyo si gaar ah saamaynta ay ku keentay Somaliland.


Kulankani dhex maray wasiirka deegaanka Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi oo dhinac ah iyo madaxa DP World ayaa is faham ku soo dhamaafay, iyadoona ay masuuliyiintu kulamo kale u balameen.
Intaasi kadib wasiir Shukri Baandare, iyo agaasime C/kariin Aadan Cadde, waxay soo kormeereen qaybaha cusub ee dekeda Berbera lagu kordhiyay.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo laga soo saaray kulankaasi iyo socdaalka wasiirka iyo agaasimaha guud ee Berbera oo lagu baahiyay bogga Facebook ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here