WARBIXIN: 15 Qof oo Askari AMISOM ah uu ku jir oo lagu dilay weerarkii Muqdisho

0
837

MOGADISHU, Somalia — Weerar ay dabley ka tirsanayd Al-shabaab ku qaadeen maanta barqadii wasaaradda Hiddaha iyo Taliinta Sare ee Somalia ayaa la sheegay in lasoo af-jaray, iyadoo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 15-qof oo isugu jiray, dableydii weerarkaas qaaday; shacab iyo askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa ku jira askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM iyo afar askari oo ciidamada dowladda Somalia ka tirsanaa, sidoo kale waxaa dhintay dad rayid ah oo goobta joogay; kuwaasoo uu ka mid ahaa nin mooto watay.

Al-shabaab oo sheegatay weerarkan ayaa waxay ku billaabeen qaraxa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo qaraxa is-miidaaminta ah kaddib ay gudaha u galeen dhismaha wasaaradda; halkasoo ay ka bilaabatay rasaas ay is-dhaafsanayeen kooxdii xoogaggii weerarka qaadday iyo ciidamadii ilaalada ka hayay wasaradda.

Mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo xilligii uu weerarku dhacayay ku sugnaa gudaha wasaaradda oo VOA-da la hadlay ayaa xusay in kooxaha weerarka soo qaaday dabaqa 1-aad ee wasaaradd iyo kan labaad qabsadeen, ayna kula dagaalameen ciidamadii ilaalada ka ahaa wasaaradda.

“Kooxaha weerarka soo qaaday waxay qabsadeen qaybo ka mid ah wasaaradda, laakiinse ciidamada dowladda ayaa ka hor-tagay. Ciidamadii AMISOM ee ku sugnaa wasaaradda waxaan arkaynay iyagoo dhuumanaya markii xabaduhu billowdeen,” ayuu yiri ruuxan ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda oo aan magaciisa sheegin.

Su’aal ahayd cidda joogtay wasaaradda markii uu weerarku billowday iyo khasaarihii kala duwanaa ee ka dhashay; ayuu sheegay inay xusay inay joogeen shaqaalihii wasaaradda oo ay ku jireen agaasimayaashii guud ee wasaaradaha hiddaha iyo tacliinta sare iyo sidoo kale kan wasaaradda macdanta iyo batroolka; uuna arkay dhimashada dad rayid ah iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoo dhammaan dableydii weerarka soo qaadayna la dilay.

“Waxaa wasaaradda ku sugnaa shaqaalihii wasaaradda qaarkood; laakiinse ma jiro cid ka tirsan shaqaalaha oo ku dhintay weerarka, waxaase ku dhaawacmay lix ruux oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda,” ayuu yiri mar kale ruuxan shaqaalaha ka tirsan.

Balse, wararka madaxa-bannaan ee la helayo ayaa sheegaya inay ku dhinteen weerarkaas qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradihii halkaas ku shaqeynayay, kuwaasoo magaciisa laga xusay Ismaaciil Xalane oo horay u ahaa suxufi ka howlgala Muqdisho.

Sidoo kale, madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Ambulance-yada Muqdisho, Dr. C/qaadir C/raxmaan Aadan oo isna la hadlayay VOA-da ayaa sheegay inay ka qaadeen goobta uu weerarku ka dhacay maydadka 15-qof iyo dhaawaca 20-qof oo shacab ahaa.

Ugu dambeyn, afhayeenka wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa isna sheegay in weerarka lasoo af-jaray oo ay ciidamada dowladdu ka hor-tageen kooxihii weerarkaas soo qaaday oo Al-shabaab ka tirsanaa.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here