Masuuliyiin ka hadlay Rabshadihii Garoonka, Digniinna u diray Xulalka Gabiley iyo Maroodi-jeex

0
754

Hargeysa(HargeisaPress)–Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed iyo Maayarka magaalada HargeysaΒ  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa ka hadlay rabshado dhaawacyo sababay oo ka dhashay ciyaar gelinkii dambe ee Jimcihii maanta dhexmartay Xulalka gobollada Hawd iyo Daad-madheedh.

Masuuliyiinta oo caawa Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in illaa Toban qof oo Shacab ah iyo Askar badan oo ka tirsan Ciidanka Booliska dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen rabshadaha ka dhashay ciyaarta kidinka garoonka Hargeysa Stadium iyo nawaaxigiisa markii ciyaarta oo lagu murmay goolkii rogoodhe ah, waxaana dhaawacyada la geeyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Taageerayaasha Xulka gobolka Hawd, ayaa la sheegay inay shiid ku bilaabeen markii garoonka laga baxay Askarta ammaanka u joogta halkaas, ka dib markii lagu murmay gool rigoodhe ah oo ay diideen Xulka Hawd oo laga qabtay.

Xanaaqaas oo keenay in dib loogu eegay goolka ay diideen ee Tababbaraha Kooxda Hawd ku dooday in gool-hayuhu diillinta ka soo horreeyey markuu goolka qabtay, isla markaana markii dib loogu eegay Faarta Garsooruhu xaqiijiyey in goolhayuhu si sax ah u qabtay kubbadda.

Hase-yeeshee, Xulka way diideen inay Xulka Daad-madheedh laataan markoodii kubbadda, isla markaana wakhtigii la la laadan lahaa ay lumiyeen. Waxay sidoo kale taasi sababtay in mid ka mid ah ciyaartoyda gobolka Hawd uu la dagaallamay Garsoore Yuusuf oo ahaa Garsooraha sare ee tartanka maanta dhex-maray Xulalka Hawd iyo Daad-madheedh oo ah Garsoore dhalasho ahaan ka soo jeeda Dalka Uganda.

Guddoomiyaha iyo Maayarka waxa ay caafimaad-qab u rajeeyeen dadka dhaawacyadu ka soo gaadheen rabshadaha maanta ka dhacay Hargeysa Stadium, waxaanay digniin iyo awaamiir lagu dhaqmi doono u direen Taageerayaasha Xulalka Maroodi-jeex iyo Gabiley oo Sabtida berri ku kulmi doona garoonka Hargeysa Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here