Masar oo lagu Wergeliyey In Ethiopia Ay Billowday Arrintii Ay Uga Digtay

0
657

CairoΒ  (Hargeisa Press) – Wasiirka waraabka dalka Masa,r ayaa sheegay in Isniintii uu ka helay ogeysiis rasmi ah dalka Ethiopia, kaas oo ku saabsan in ay bilaabeen buuxinta kaydka biyo-xidheenka weyn ee loo yaqaan GERD sanadkii labaad, taasi oo Masar ay hore uga digtay.

Masar, ayaa dhinaceeda ku wergalisay Ethiopia diidmado qayaxan oo ay ka qaadatay talaabadan, taas oo ay u aragto mid khatar ku ah xasiloonida gobolka. Wasiirka waraabka Maxamed Cabdel Aty ayaa bayaan ku sheegay diidmada Masar.

Masar waxay u aragtaa in biyo-xidheenkan uu yahay mid khatar weyn ku ah biyaha webigeeda Nile, kuwaas oo ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin shacabka dalkeeda.

Suudaan, oo ah wadan kale oo arrintaan khuseyso ayaa walaac ka muujisay badqabka biyo-xiedhenka iyo saameynta ay ku yeelan karto biyo-xidheenkeeda iyo xarumaha biyaha.

Baaxadda biyaha uu qaadanayo biyo-xidheenkan waxay ku xidhnaan doontaa xaddiga roobabka ka da’a Itoobiya. “Ma aragno wax saameyn ah oo hadda laga dareemayo Webiga Nile. Waxay qaadaneysa bil ama bil iyo badh” ayuu afhayeen u hadlay Wasaaradda Waraabka ee Masar oo la yidhaahdo Maxamed Ghanim u sheegay telefishanka maxalliga ah ee dalkaas.

Masar iyo Suudaan waxay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ku saabsan heshiis sharci ah oo ku saabsan hawlgalka biyo-xidheenka, laakiin wadahadallada ayaa marar badan hakad galay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintan maalinta Khamiista, waxaana bayaanka uu soo saaray wasiirka waraabaka ee Masar Abdel Aty lagu sheegay in warqad uu u qoray golaha Golaha Ammaanka, si uu ugu wargaliyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Itoobiya, ayaa sheegtay inay ugu dambayntii adeegsanayso xuquuqdeeda ku aaddan biyaha webiga Niil oo muddo dheer ay maamulayeen waddamada dariska la ah.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Khartoum, ayaa Axaddii sheegay in Masar iyo Suudaan ay horeba u ogaayeen faahfaahinta sadexda sano ee ugu horeysa ee biyo-xidheenka la buuxinayo, arrintaasna aan la geyn Golaha Amnaanka, maadaama ayna ahayn arrin ku saabsan nabada iyo amaanka.

Reuters

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here