Somaliland oo Shaacisey 6 Kiis oo Cudurka Coronavirus Ah

0
2683
Covid-19
Covid-19

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa maanta sheegtay in lix qof oo cusubi ay ku soo bireen tiradii hore ee xannuunka Covid-19, tiradda guudna ka dhigeysa lix iyo konton qof.

Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa shaaca ka qaaday in lixda qof ee xannuunka laga helay afar ka mid ahi ay ku sugan yihiin magaalada Hargeysa, halka labada kalena ay ku nool yihiin magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Dr. Xergeeye waxaa uu tilmaamay in lixdan qof mid ka mid ahi uu yahay ajaanib islamarkaana uu u dhashay dalka Bagaladhiis.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here