Marwada Madaxweynihii Hore Ee Cigaal oo Sheegtay In Qoyska Madaxweyne Biixi Dhul Ku Haystaan

0
2927

Hargeisa (Hargeisa Press) – Marwada Madaxwaynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Kaltuun Xaaji Daahir ayaa waxaa ay sheegtay in dhul ay leedahay ay ku haystaan qoyska Madaxweyne Muuse Biixi.

Kaltuun Xaaji Daahir oo maanta warbaahinta kula hadashay Gurigeeda ayaa waxaa ay sheegtay in habeen iyo maalinba ay khaati bilaahi ka taagan tahay qoyska Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale, Kaltuun Xaaji Daahir, Marwadii Marxuum Madaxweyne Cigaal ayaa soo bandhigtay arimo badan oo ku saabsan dhulkaasi oo ay kala hadashay Madaxweyne Biixi, iyadoona sheegtay in Madaxweyne Muuse Biixi u sheegay in ay iska bixiso lacag uu ku raro qoysaskaasi iyo dhul banaan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayay ugu baaqday in furaha gurigeeda uu soo doonto una soo dirsado wasiirka Hawlaha guud iyo wiilka uu abtiga u yahay maadaama ay khaati ka taagan tahay.

Marwo Kaltuun Xaaji Daahir ayaa dhinaca kale umada reer Somaliland ugu baaqday in arintan u dhaxaysa iyada iyo Madaxweyne Muuse Biixi ay soo fara geliyaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here