Guud ahaan Shaqaalaha Dawlada Iyo Kuwa Rayidka oo Beri Fasax noqonaya.

0
1246

Hargeysa (HargeisaPress)-  Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka shaqo galinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Hinda Jaamac Xirsi Gaanni oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Shabakadda wararka HargeisaPress, ayaa lagu sheegay in dhamaanba shaqaalo waynaha Rayidka ah ee JSL maalinta berry ah oo ku Taariikhaysan 22 march 2020 ay shaqooyinkoodi fasax ka yihiin. Sida ku cad xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer Lr 31/2004.

Sidaa daraadeed wasiirka shaqo galinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland  waxay hambalyo iyo salaan u diraysaa shaqaale waynaha rayidka ah xaasaskooda iyo caruurtooda waxanay ilaahay uga baryaysaa in sanadkan kiisa ay ku gaadhaan Nabad gelyo iyo barwaaqo.

Geesta kale Hay’ada shaqaalaha dawladda ayaa sheegtay in maalinta beri shaqaalaha dawladu ay fasax ka yihiin shaqada qaranka  maadaama ay ku beegantay taariikhdii la dheelmiyay Rasuulkeenii suubnaa  SCW.

Wareegto uu ku saxeexanyay guddoomiyaha ha’yada shaqaalaha dawladda oo soo gaadhay xafiiska war qabadka HargeisaPress, ayaa lagu sheegay in maalinta beri  oo bishu ay tahay 22 bisha sedexaad ee sannadka 2020 ay guud ahaan shaqaalaha dawladdu fasax ka yihiin shaqada qaranka maadaama ay  ku beegan tahay xuska maalinta miciraajka Nebiga scw.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here