Markab dagaal oo Dekedda Berbera jooga iyo ujeeddada kulan Masuuliyiinta Somaliland iyo Britain Yeelanayaan Maanta

0
862

Berbera , (HargeisaPress) β€” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu saraakiil millatari iyo diblomaasiyiin u dhashay waddanka Ingiriiska kulan kula dul yeesho markab dagaal duleedka dekedda Berbera maanta.

Markab ciidanka badda Ingiriisku leeyihiin oo ku xidhay meel u dhaw Dekedda Berbera gelinkii hore ee shalay, ayaa Madaxweyne Siilaanyo, xubno golaha wasiirradiisa ka mid ah saraakiisha ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland dushiisa kula kulmi doonaan safiirro ka socda dawladda Britain.

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Neil Wigan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa wadajir u xaqiijiyey shalay in Madaxweyne Siilaanyo markab dushii kula kulmi doono diblomaasiyiin Ingiriiska maanta.

β€œWaa markii saddexaad ee markab Ingiriisku leeyahay halkan soo booqdo, taasoo muujinaysa wada-shaqaynta aannu la leenahay Somaliland. Waxaannu tababar siinnaa ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland, waana markii saddexaad ee tababarkan aannu ku taageerno Somaliland, si fiicanna wuu u socdaa dhab ahaantii, sidoo kalena waxay arrintani muujinaysaa xidhiidhka siyaasadeed ee labada dal ka dhexeeya,” ayuu yidhi Ambassador Neil Wigan oo booqasho ku yimi caasimadda Hargeysa, kulan gaar ahna la yeeshay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo shalay.

Ilaa hadda si cad looma oga ujeeddada kulanka Madaxweynaha Somaliland markabka dagaalka dushii kula yeelanayaan diblomaasiyiin iyo saraakiil millatari oo ka socda dalka Ingiriiska, balse sida ilo-wareedyo kala duwan tibaaxeen waxa la filayaa in shirkaas labada dhinac kaga wada hadlaan arrimo la xidhiidha tababarrada dawladda Britain siiso ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland, iyadoo isla maantana qayb ka mid ah ciidankaas loo xidho doono tababar in muddo ah u socday.

 

Hargeisa Press News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here