Mareykanka oo Somaliland Ku Canaantay Inay Dhaawacday Xorriyadda Saxaafadda

0
1015

Washington (Hargeisa Press) – Dowladda Mareykanka, ayaa Somaliland ku canaanatay cabudhinta ay ku hayso xoriyadda saxaafadda, maalmo kaddib markii BBC-da laga mamnuucay inay ka shaqeyso gudaha Somaliland.

Mareykanka, ayaa waxaa uu tallaabada xukuumadda Somaliland ku mamnuucday idaacadda BBC-da ku sheegtay wax aan la aqbali karin oo sii waddaysa wiiqida xorriyadda saxaafadda.

Xukuumadda Somaliland, ayaa shalay hakisay wadashaqayntii idaacada BBC-da, kadib markii ay ku eedaysay in ay meel kaga dhacday qaranimada Somaliland.

Somaliland, ayaa idaacada ku eedeeyay in ay lumisay dhex-dhexaadnimadii wararka, isla markaana ay meel hoose dhigtay qaranimada Somaliland oo ay iska indha tirtay jiritaanka Somaliland, oo ay dadka reer Somaliland ay cabasho ka muujiyeen dhaqanka BBC-da.

Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Golaha Guurtida ee Mareykanka, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray “Somaliland waxay noqon kartaa saaxiib adag oo ay la yeelato Mareykanka, waana sababta aan u soo jeediyay hindise sharciyeedka lagu baadhayo siyaabaha loo samayn karo.”

“Laakiin, waa wax aan la aqbali karin in ay sii waddo carqaladaynta madax-bannaanida, esp. iyada oo doonaysa in ay ka soocdo gobolka marka loo eego dimoqraadiyaddiisa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here