“Waxaa muuqata in aanay umaddu wada lahayn xisbiyada balse la wada…” Wasiir Koore

0
619

Boorama (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in dadka diidan in ururadda la furo ee hor taagani aanay doonaynin in la dhiso qaran loo wada dhan yahay.

Kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay rabaan in saddex nin oo isku reer ahi ay miiska xisbiyadda qaranka soo fadhiistaan, taasoo muuqaal ay Somaliland u dhan tahay aanu muuqan oo beelihii darafyadu aanay ka dhex muuqan.

Wasiirka warfaafinta ayaa duray tallaabadii ay dhawaan xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland ku celiyeen laba xubnood oo ka soo jeeday beelaha beriga oo ka mid ahaa xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka Somaliland.

Wuxuu sheegay in aanay weligeed dhicin intii Somaliland jirtay in golaha Wakiiladu intuu wax kala saarro beelihii dhexena uu sii daayay ama ansixiyay, halka xubnihii beelaha darafyada na ay diideen.

Arrintaasi ayuu wasiirku ku eedeeyay in ay masuul ka yihiin xisbiyadda mucaaradka ah oo aqlabiyadda golaha Wakiiladda haysta, sidaa darteed na aan xisbiyadda la wada lahayn, balse qaranka la wada leeyahay.

Saleebaan Cali Koore, oo hadalkan ka jeediyay munaasibad lagu qabtay magaaladda Boorama, ayaa bulshadda reer Boorama ugu baaqay in looga baahan yahay in ay kor uga ahdlaan xaqa ay leeyihiin, isla markaana aanay jirin cid ku dhibsanaysaa.

Geesta kale, wasiir Koore, ayaa soo jeediyay in la inooga baahan yahay xirfad, iyo aqoon dawladnimo oo qofku garto sida loo wada joogayo, iyo sida wax loo wada yeelanayo, iyadoo ay qarannimadeena ka muuqata in aan mararka qaar gole-ka fuulayno oo dad aan bislaanini ay maamulayaan.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in aanay ummadu wada lahayn xisbiyadda qaranka, balse waxa keliya ee ay wada leeyihiin ama ka dhexeeyaa uu yahay dawladnimadda iyo xukuumadda maanta jirta.

DAAWO: Wasiir Koore Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here