Mahdi Maxamed Guuleed oo Sas Ka Qaaday In Lagu Bedelo Maareeye Iyo Cadho uu Ka Qaaday Isku Shaandhayn Been ahayd Oo Baraha Bulshada Lagu Baahiyay

0
1100

Muqdisho , (HargeisaPress) —Mr Mahdi Ayaa Ka Cadhooday Isku Shaandhayn Baraha Bulshada Lagu Faafiyay Oo Sheegaysay In Golaha Wasiiradda Xukuumadda Nabad Iyo Nolol La Isku Shaandheeyay Xilka Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkana Loo Magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

Weriyihii Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Weriye Maxamed Yuusuf Bakayle Ayaa Dacaayado Been Abuur Ah Oo La Soo Dhoobdhoobay Oo Uu Ku Maalgeliyay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mudane Mahdi Ka Faafiyay Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

Dacaayadaha Uu Faafinayo Weriye Bakayle Ayaa Bilowday Ka Dib Markii Dhowaan Baraha Bulshada Lagu Faafiyay Warar Sheegaya In Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Loo Magacaabayo Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Taas Oo Uu Aad Uga Cadhooday Mr.Mahdi Ugu Danbayna Kaliftay Inuu Maalgeliyo Dacaayado Raqiisa Oo Weriyihiisa Gaarka Ah Dadka Ku Maraja Habaabiyo.

Waxyaalaha Uu Faafinayo Weriye Bakayle Waxaa Ka Mid In Wasiir Maareeye Taageero Somaliland Iyo In Uu Weli Ku Xidhan Yahay Dammu Jadiid, Laakiin Wasiir Maareeye Oo Ku Soo Jiray Siyaasada 20kii Sano Ee U Danbeeyay, Waxaa Lagu Yaqaan Nin Waddani Ah, Haddal Cad Oo Jecel Horumarka Iyo Midnimada Soomaaliyeed, Isla Markaana Daacad U Noqda Hadba Team Ka Ama Madaxweynaha Markaasi Tallada Dalka Haya, Haddii Uu Shalay Ka Mid Ahaa Dawladii Xasan Sheekh, Doraadna In Uu Ka Mid Ahaa Xukuumadii Tayo Oo Uu Hogaaminayay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Oo Markaas Ahaa Ra’iisul Wasaare.

Fikrada Maareeye Ka Qabo Dib Uu Soo Celinta Midnimada Iyo Wadajirka Somaliya, Waxay Ahayd Mid Had Iyo Jeer Soo Jiidata Kumanyaal Shacabka Soomaaliyeed Ee Ku Sugan Somaliland Iyo Koonfurta Somaliya, Wuxuuna Lee Yahay Taareegayaal Fara Badan, Waana Sida Laga Rabo Hogaamiye Siyaasadeed, Ee Hogaan Laguma Noqdo In Aad Mushahar Iska Qaadato Oo Aanad Wax Fikir Iyo Talo Ah Ku Biirin Mustaqbalka Dalka Iyo Dadka Aad Siyaasiga U Tahay.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here