Garoowe Oo La Ciirciireysa Marti-Galinta Siyaasiyiintii Ugu Badneyd Abid Oo Kala Socda Dowladda Dhexe Iyo Mucaaradka + SAWIRRO

0
754
Madaxda kala duwan ee ka soo qayb galaysa Cakleema saarka Madaxweynaha Puntland

Garoowe, (HargeisaPress) —Magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland waxaa saacadihii ugu danbeeyay tagay siyaasiyiintii ugu badneyd Abid oo kala socda dowladda dhexe iyo Xisbiyada mucaaradka kuwaa oo la filayo in ay maalinta Berri ka wada qeyb gallaan munaasabada calleemo saarka hoggaanka cusub ee Puntland.

Dareenadda Ku Xeeran Xaflada Caleemasaarka Madaxweynaha Puntland iyo Madaxda Kasoo Qeyb Galeysa Waxa Jawiga Ka Muuqda Abaabulo Is Khilaafsan Maadaama Madaxweynaha Dawllada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabadilaahi Farmaajo Ka Qeyb gali Doono Xafladan Islamarkaana, uu Sabtida Bari kasoo Daggi Doono Magaalada Garoowe, Waxa Loo Abaabulayaa in Soo Dhaweyn Meeqaam Sare ah Shacbigu Kusoo Dhaweeyo Taas, oo dhoolatus u Noqon Doonta Sida lagu Waddo, inta Mucaaridka ku ah Waxaana ay Siweyn uga Shaqeynaya Madaxweynihii Hore Cabdiraxmaan Faroole iyo Masuuliyiin Badan oo Isugu Jirra Xildhibaanada Federaalka iyo Kuwa Puntland iyo Siyaasiyiin Door ah.

Geesta kalena Waxaa Xiligan Ku Sugan Gudaha Magaalada Garoowe, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadajir oo ah kan ugu Weyn ee Kasoo Horjeedda Madaxweyne Farmaajo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) oo isaguna Ilaalo Fara badan oo Xoogan kusoo Gaadhey Garoowe, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele(Xaaf),Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed(Lafta-gareen), Gudoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi cabdilaahi iyo Marti Sharaf tira badan.

Xiisada iyo Xamaasada u Diyaar Garrowga Dhoolatus Lagu Soo Dhaweynayo Madaxweynaha iyo u Diyaargarowga, Xaflada Caleemasaarka, iyo Waliba qulqulka Martida lagu Soo Casuumay Caleemasaarka iyo Dareenadda Iska soo Horjeeda ayaa Galabta Siweyn Looga Dareemayay Magaalada Garoowe, Waxaana Wali jirra Dareenka Qarsoon ee Madaxweynaha Loo Doortey Puntland Mr Dani oo lagu xidhiidhinayo in ay Saaxiib dhaw yihiin Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Sidoo kalena Saxmada iyo Cagdhawga Madax-dhaqeemeedka isaga Yimid Guud ahaanba Dhulka Soomaalidu degto iyo Wufuuda kale ayaan iyagguna aheyn Mid aan Jaanqaad aheyn labadii Maalmood ee U Dambeeyay.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here