Mahdi Guulleed: Soomaaliya Way Ka Gudbay Wakhtigii Dadka Qabiil Loogu Durbaan Tumi Jiray

0
638

Muqdisho (Hargeisa Press)- Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Xusseen Guulleed Khadar ayaa mar kale fariin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo horjeeda hannaanka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada.

Mahdi Gulleed ayaa sheegay in dowladdu wali ku taaggan tahay hannaankii doorasho ee madaxda dowlad gobolleedyada iyo dowladda dhexe ku heshiiyeen kana soo baxay shirarkii Dhuusa-Mareeb iyo Muqdisho, isaga oo meesha ku saaray in madaxweynuhu wax saameyn ah ku leeyahay maamulka dariiqa loo marayo doorashada.

”Tallada madaxweynuhu uu ku lahaa heshiiska doorashada waxey aheyd oo kaliya in Baarlamaanka la horgeeyo oo sharciga la mariyo, si markaa xildhibaan kasta oo damac ku jiro iyo siyaasi karta oo taageerro leh halkaa iska dhax arkaan oo halkaa rayigooda ku cambiraan”’ ayuu yidhi Mahdi Guulleed.

Waxaa uu intaa ku darray in marnaba la aqbali doonin arin kasta oo ka baxsan sharciga oo ah ayuu yidhi waxa kale ee lagu wada dhaqmayo dowladnimaduna ku jiri karto”’ Waxeynu nahay Umad Sharci ee ma nihin Ummad Fowdo, cid kasta oo ka hortimaada sharciga tallaabada laga qaadayo iyo waxa ay muddan tahay waxey u taalaa haya’ddaha kale ee dowladda’ ayuu yidhi ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

”Soomaaliya wey ka soo gudubtay wakhtigii dadka qabiil loogu durbaan tumi jiray, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa dhankooda ku eedeynaya dowladda in rabto doorasho aan loo sineyn kaddib markii ay guddiyo dhinac ah u saareen in ay maamulaan doorashada” ‘Dowladda waxaan ku diidan nahay in ay garsooreyaal ka dhigto taageerayaasheeda’

Lama oga halka ay saldhigan doonto doodda ku saabsan muranka iyo khilaafka sii xoogeysanaya ee ka taaggan guddiyada loo saaray doorashada Soomaaliya oo ay cabasho ka muujinayaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo musharixiinta xilka madaxweynaha qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here