Cumar Carte Qaalib oo Goor-dhaweyd Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

0
1657

Hargeisa (Hargeisa Press) – Ale ha u naxariistee waxaa goordhaweyd magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ku geeriyooday siyaasigii weynaa ee Cumar Carte Qaalib.

Cumar Carte Qaalib ayaa mudo dheer u jiifay xanuun soo wajahay isagoona maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Ale ha u naxariistee siyaasi Cumar Carte Qaalib ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladii burburtay ee Soomaaliya isagoona mar noqday raysal wasaare.

Waxaana uu sidoo kale Cumar Carte Qaalib isu soo sharaxay madaxtinimada Somaliland, ka dib geeridii ku timid Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal sanadkii 2002da.

Taariikh nololeedka Marxuum Cumar Carte Qaalib goordhow ayaan idiin soo gudbin doonaa….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here