Garsoore Ka Tirsanaa Maxkamada Gobolka Sool oo La Diley

0
897

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay Garsoore maxkamadeed ku dileen gudaha magaalada Laascaanood.

Marxuumka la diley ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdullahi Salaad Wadaad-Yare, wuxuuna ahaa Garsoore ka tirsan maxkamadda magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdii ka dambeysay dilkaasi ay goobta isaga baxsatay, kadib dhacdada.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Sool ayaa sidoo kale goobta gaadhay, kuwaas oo sameeyey howl-gallo baadhitaano ah oo dad lagu soo qab-qabtay.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay in ragga la soo qabtay oo lagu tuhmay dilka Garsooraha ay haatan ku socdaan baadhitaano dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here