Magaalada Burco Oo Aas Qaran Loogu Sameeyey Wasiirkii Hore Ee Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Somaliland Dr Cabdi Awdaahir Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Oo Ka Qayb Galay Aaska + SAWIRRO

0
853

Burco, (HargeisaPress) β€”Waxa maanta Magaalada BurcoΒ  aas qaran loogu sameeyey alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee shaqada iyo arimaha Bulshada Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo maalintii shalay ahayd ku geeriyoodey magaalada Burco.

AS 1

Aaska marxuumka ayaa waxa ka qayb galay madaxwayne ku xigeenka Somaliland asxaabta siyaasada dalka xildhibaano wasiiro iyo sidoo kale dadwayne kala duwan oo iskaga kala yimid dhamaan gobolada dalka Somaliland.

 

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Warka

 

 

Waxaana madaxwayne ku xigeenka, wasiiro xildhibaano gudoomiye Cirro iyo dadwaynihii kale ee aaska kazoo qayb galayΒ  ay tacsi uga direen ehelkii qaraabadii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo taariikh dheer ku dhex lahaa guud ahaa Somaliland iyaga oo sidoo kalena alla uga baryay inuu alle u naxariisto oo janadiisa fardawsa ka waraabiyo Samir iyo imaan ka siiyo.

4-12

Sidoo kalena waxa dad ay rafiiq dhaw ahaayeen oo goobta tacsi ka driyay ay ku dheeraaday taariikhda sooyaalka ah ee uu lahaa Dr Cabdi Awdaahir.

 

 

Sakariye Cabdiraxmaan Ibraahin HargeisaPress β€” Burco

sekeriye80@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here