Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Xaaladdaha Gobolada Galbeed ka iyo Bariga Somaliland

0
872
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland

WASHINGTON , (HargeisaPress) — Madaxweyne xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa ka hadlay arrimaha Gobollada Galbeedka iyo Awdal iyo maamulada Khaatumo iyo Wabar ee meelahaasi ka samaysmay, isagoo ku tilmaamay qaar aan ka turjumayn rabitaanka Bulshada laakiin, magac ahaan uun u jira.

Madaxweyne xigeenka, oo isagoo Washington ku sugan u waramay VOA-da ayaa sheegay in tabashadii Awdal intii badnayd wax laga qabtay.

“Maamulka Khaatumo ee abuurmay waa maamul dabad wareeg ah, waxaa jira imika meelo badan oo bariga ah oo Markii hore doorasho ka dhicin oo ay hadda ka dhici doonto, oo ay Xuddun ka mid tahay, oo ayTaleex ka mid tahay oo meelo Bariga Sanaag ahi ka mid yihiin.Maamulka Khaatumana magac ahaan uun buu u jiraaye ma jiro dhul cusub oo uu soo gaadhay iyo meel uu saamayn ku leeyahay, waana maamulkaas wareegaya” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Somaliland.

Madaxweyne xigeenka Somaliland oo la sii waydiiyay tabashada bulshada bariga Somaliland ee keentay samaynta Maamulkaasi ayaa ku jawaabay “Horta Maamulkaasi magac ahaan uun buu  jiraa, tabashada dadkaasina waad dad reer Somaliland ah oo mar walba way furan tahay, inaanu iyagoo reer Somaliland ah ka wada hadalno wixii ay qabaan,horena waanu ugu fidinay gogol, imikana meel fiican bay maraysaa oo Qorilugud iyo Buuhoodle ayaa ugu dhib badnaa oo meel fiican bay Madax dhaqameedkii u maraysaa sidii ay Somaliland uga mid ahaan lahaayeen”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo la waydiiyay sababta Xukumaddu wax uga qaban wayday tabashada Bulshada degaanka Awdal ee uu ka soo jeedo ayaa yidhi “Cabashadu way jirtaa waa la wada cabanayaa, oo waxa Somaliland hayso iyo waxa umaddu doonayso ayaa kala badan laakiin Odayaasha Cabashadoodii waa la tixgaliyay, waxbaa laga qabtay, hadday ahaan lahayd Wasiiradii oo la kordhiyo,Jannanadii oo wax lagu soo daray, Hay’addaha kale oo wax lagu soo daro, reer Awdalna wasaaraddaha waaweyn waa la siiyay, waxaana hore loo qaaday talaabo inta badan tabashadii ka jawaabta wixii hadhayna waa la wadayaa kolba siday wax u suuro galaan”, ayuu yidhi Mudane Saylici.

Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa sidoo kale ka hadlay Qolyo qurbejoog iyo kuwo wadanka jooga iskugu jira oo amaan darro ka wada Awdal, dhawaana lagu qabtay dhawr qori iyagoo Iibsanaya “Runtii waxa sii weyn maaha laba qori oo ay iibsanayeen, nabadgalyada dalkana waxba ma yeelayaan shaqsiyaad u ban baxay inay nabadgalyada wax yeelaan, waana arrin shakhsiyaad ku kooban ee wax Gobolka loo nisbayn karo oo miisaan leh maaha, meel kastana way joogaan dad fidmo wadayaal ahi” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku

Mudane Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu sheegay in Shakhsiyaadka Awdal amni darrada ka wada iyo Qurbaha ka taageerayaaba aanay Somaliland waxba yeeli Karin, isagoo ugu baaqay inay bulshadooda wax u taraan halkii ay dhib uga horseedi lahaayeen.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here