Madaxweyne Silaanyo Oo Magacaabid, Xil Ka Qaadis Iyo Isku Badal Ku Sameeyay Masuuliyiin Kala Duwan

0
1104

HARGEISA , (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3945/042016, uu magacaabis, xilka qaadis iyo isku bedel ku sameeyey qaybo ka mida xukuumadda.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Xildhibaan Golaha Deegaanka Ceerigaabo)
  2. In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland (hore Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhigga)
  3. In Mudane, Axmed Xaashi Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Isku bedelka Gudoomiyeyaasha gobolada qaar iyo G/ku xigeenka Gobolka Saaxil

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyeyaasha Gobolada Daad-madheedh, Selel iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. In Mudane, Axmed Maxamed Xaashi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. In Mudane, Maxamed Cismaan X. Axmed (Indho-balac), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Magacaabida Xubinta Guddida Qandaraasyada Qaranka

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddida Qandaraasyada Qaranka u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo Magacaabidda Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka;

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Axmed Xaashi Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

 

 

 

 

Ujeeddo:       Xil-ka Qaadis

 

Ku:      Mudane, Dr. Maxamed Faarax Ducaale,

            Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda                           

Og:     Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                                        

 

Mudane,

 

Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Boos Mire Maxamed, oo aan xilka Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. 

Attachments area

Preview attachment war-saxaafadeed 03.04.2016.doc

war-saxaafadeed 03.04.2016.doc

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here