Xildhibaan Maxamuud Warsame Jaamac Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arkay Xilka Uu Madaxwayne Siilaanyo U Magacaabay Ee Ah Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland

0
1065

HARGEISA , (HargeisaPress) —Xildhibaan Maxamuud Warsame Jaamac oo kamid ahaa xildhibaanada golaha deegaanka degmada ceerigaabo ayaa ka hadlay sida uu u arko xila uu xalay madaxwaynaha Somaliland u magacaabay ee ah inuu nodo wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga Somaliland.

 

Waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soona dhawaynayo xilkaa madaxwaynuhu u igmaday, uma mahadceliyay madaxwaynha Somaliland waxaana uu yidhi

 

“Aniga oo kamid aha xildhibaanadii kazoo baxay golaha deegaanak ceerigaabo amintii xalay ahayd uu madaxwaynaha qaranku ii  magacaabay  inaan ahaado wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Somaliland, xilkaa uu madaxwaynuhu ii magacaabay aad iyo aad Ayaan usoo dhawaynayaa aadbaanan ugu faraxsanay waxaanan ku qaabilayaa dareen wadaninimo oo ay ku dheehan tahay inuu madaxwaynuhu leeyahay qarankaaga u shaqee, arinkaana madaxwaynaha waan uga mahadcelinayaa mana aha markii u horeysay ee madaxwaynuhu masuuliyiin dhalinyaro ah u magacaabo xilal madaxwaynuhuna isaga dabarka ka furay inay dhalinyaradu ka qayb qaaadato siyaasada dalka taasina waxay muujinaysa laxajeclada uu madaxwaynuhu ka qabo dhalinyarada”SIdaas ayuu yidhi Wasiirka ku xigeenka cusub ee wasaarada gaashaandhiga Mudane Maxamuud Warsame Jaamac.

 

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Warka

 

 

 

Dhanka kale Ex Maxamuud Warsame Jaamac waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inuu u shaqeeyo qaranka gaar ahaana dhalinyarada isaga oo sidoo kalena ku dhiri galiyay dhalinyarada inay ku dhiiradaan inay ka qayb qaataan siyaasada dalka waxaana uu yidhi.

 

“Waxaan wada ognahay in wasaarada gaashaandhigu u igman tahay difaaca qaranka iyo daryeelka dadka madama ay difaaca qaranka u igmantahayna waxa ugu badan ee qaranka difaacaana waa dhalinyaro ee ciidanka qaranka ku jira iyo waliba cududda aynu ku faanana waa dhalinyaro anigu anoo kaashanasy khibradayda waxaan u adeegi doona qaranka iyo dhalinyarada, dhalinyaradana waxaan ku boorinayaa inay u tafaxaytaan sidi ay usoo saari lahaayeen hankooda uguna qayb qaadan lahaayeen siyaasada dalka”Sidaas ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Warsame Jaamac.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here