Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Danjiraha Norway U Qaabilsan Somaliland iyo Somalia + SAWIRRO

0
817

Hargeisa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Norway u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr. Jens Mjaugeal. Labada dhinac ayaa kawada hadlay Kor u qaadista Cilaaqaadka labada dhinac.

Wasiirka Arimaha dibada Maxamed Biix Yoonis, oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada dhinac lafa gureen sidii Dawlada Norway Somaliland ugala shaqayn lahayd Dhinaca Shidaalka,Wada hadalka Somaliland iyo Somalia iyo arimo kale.

“Norway waxay Khibrad badan u leedahay Arimaha Shidaalka iyo Khayraadka Dabiiciga ah oo ay nagala shaqaynayso sidii ay inoogu dhisi lahayd Awoodda aqooneed ee dhinaca Kaluunka iyo Horumarada kale.waxay wax nagala qabanayaan Wada hadalka naga dhexeeya Somalia sidii uu hore ugu socon lahaa, waxay nagala shaqaynayaan dhinaca Budhcad badeeda, waxaanu doonaynaa inaanu Cilaaqaad buuxa la yeelano Norway” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxaanu u  mahadceliyay Weftiga Norway.

Mr. Jens Mjaugeal oo Somaliland ay ugu dambeysay Sanaddii 2007-dii ayaa isna halkaasi ka hadlay, waxaanu sheegay inuu u yimid Somaliland sidii ay u falanqayn lahaayeen dhinacyada ay wax kala qaban karaan. Waxa uu sheegay in Somaliland tahay dal Faqiir ah balse ay jiraan Fursado badan oo horumar oo u baahan in laga faa’iidaysto, haddii aan la helin Hanaan siyaasadeed oo lagu maamulana aanay fursadahaasi suuro galayn in laga faa’iidaysto. Waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin horu socodsiinta wada hadalka Somaliland iyo Somalia iyo kala shaqaynta dhinacyada degenaanshaha iyo siyaasadda.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here