“Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland Malaha Qabiil ee Waa Halgamayaal Qaran! ….”Wasiir Xirsi

0
928

Waxay ahayd galabta abaaro 4:00pm kadib markii wafti aan kamid ahay isla markaana ka kooban Wasiirka Arimaha Gudaha Mud, Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Maaliyada Mud. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Masuuliyiin kale safar ku gaadhnay Gabiley

Waxaa Sidoo kale horay uugu sii sugnaa Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Mud Abiib Diiriye Nuur iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Mud. Muuse Qaasim

Ujeedada safarkan ayaa ahaa mid salka ku haya lasoo dareen qaybsiga Allaha u Naxariistee sarkaal Maxamed Yusuf Aw Rabaax iyo daminta isku-dhacyo ka dhashay dhimashada sarkaalkaas qiimaha badan ee qarankeena ka baxay iyo sidoo kale Xalinta Askari Toogasho ku dilay Dambiile isku- day Baxsi Maanta ka sameeyey Maxkamadda.

xirsi iyi gabiley

Geerida sarkaalkan ayaa timid kadib markii Gacan- ku- Dhiigle aan qaranka Somaliland tudhaale u lahayn uu toogasho ku dilay Allaha u Naxariistee Sarkaal Maxamed Yusuf Aw Rabaax iyo Sarkaal Jaamac Bidaar

Meel walba oo uu joogo gacan ku dhiiglahaasi waa mid sharciga la hor keeni doono isla markaana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan oo Tusaale u noqon doonta in Gacan ku dhiigle dambe aanu si fudud gacan uugu qaadi doonin sarkaal heegan u ah Difaaca Qaranimada Somaliland iyo Sugida Amaanka Dalka !

Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland waa Astaanta Qaranimada iyo Quruxda Dawladnimada, hadaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isagoo dareensan qiimaha ciidanku ku leeyihiin qaranka wuxuu kulan tacsi iyo la dareen qaybsi isugu jira uu qasriga Madaxtooyada JSL kula yeeshay Eheladii ay ka baxeen Sarakiishaas aan marnaba ka sal guuri doonin xasuusta dalka iyo dadkaba sidoo kalena shacabka reer Somaliland uuga tacsiyeeyey isla markii Geeridu dhacday.

Dhib walba oo Qarankeena ku dhacda waa mid loo baahan yahay in aynu ku qaabilayno dareen midaysan oo ka madhan in cid dan gaar ah leh u tumaan durmaan siyaasadeed oo keeni kara khasaare kale oo dadkeena soo gaadha, Ciidanka Qarankuna maaha Qabiil ee waa Halgamayaal Qaran oo cidhif walba oo dalka ah looga xanuunsanayo dhibta soo gaadha!

Ujeedada safarkan ayaa sidoo kale daarnaa Xalinta Askari maanta toogasho ku dilay Dambiile isku day baxsi maanta Maxkamada ka sameeyey kadib markii xukun ku dhacay!

Waan ka Tacsiyeynaynaa Ehelkii iyo Qarabadii Marxuumkaasi ka Geeriyooday, Maadaama aanu xukun dil ah ku dhicina waanu ka xunahay dhimashadiisa.

Waa dhab oo naf walba saacad ayey leedahay ay aduunkan ka bixi doonto , walaw dhimashadu mid tahay hadana asbaabta ayaa kala duwan qofku aduunka kaga tegayo.

Safarkan ayaa Caawa noogu soo dhamaaday is-afgarad iyo guul u soo hooyatay dhamaan Qarankeena,

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here