Madaxweyne Siilaanyo Oo Safiirka Talyaaniga La Kulmay

0
1011

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley maanta o ay taariikhdu ahayd  01/02/2015, safiirka Talyaaniga u fadhiya Kenya una qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Fabrizzio Marzella oo markii ugu horaysay Somaliland socdaal ku yimid.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayuu madaxweynuhu xogwaran ka siiyey Safiirka xaalada guud ee dalka iyo ta mandaqadaba, geeskaba, isaga oo madaxweynuhu faah-faahin dheer ka bixiyey horumarka ay somaliland ku talaabsatay 23 kii sanno ee ka soo wareegay la soo noqoshada madaxbanaanideeda.
ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu safiirka guudoonsiiyey khariirada Somaliland iyo buugaag ka waramaysa xaaladihii kala duwanaa ee ay somaliland ka soo gudubtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here