Madaxweyne Siilaanyo Oo Hogaaminaya Wefti Balaadhan Oo Maanta Safar Ugu Baxay Gobolada Bari oo Galabta Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Burco + SAWIRRO

0
880

Burco, (HargeisaPress) โ€”Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa saaka safar ugu baxay gobolada Saaxil iyo Togdheerย halkaas oo madaxweynuhu kala kulmay soo dhawayn balaadhan.

DSC_0022 (1)

Safarkan Madaxweynuhu ugu baxay gobolada bariga Somaliland ayaa intii uu ku guda jiray waxa si mug iyo miisaanba leh loogu soo dhawaynaayey degmooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya saddexda gobol ee Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer oo uu Madaxweynuhu shacbigii ku soo dhaweeyey salaan kal iyo laab ah ugu gacan haadiynaayey intii lagu gudo jiray Socdaalka.

DSC_0002 7

Weftigii Madaxweynuhu hogaaminaayeyna waxay caawa ku hayday magaalo madaxda gobolka togdheer ee Burco, halkaas oo madaxweynuhu hadii eebbe qadaro uu hawlihiisa shaqo ka sii wadan doono.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk โ€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here