Hargeysa: War-Murtiyeedka Kal-Fadhiga 32aad Ee Golaha Sare Ee Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO

0
659

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kal-fadhigii 32aad ee Golaha Sare ee Dalladda Heer Qaran ee urrurada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Hoolka Shirarka ee dalladda SONYO ayaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo ay ku xardhan yihiin nuxurka 6 qodob oo muhiimad ballaadhan u leh guud ahaan dhallinyarada Somaliland.
Kulanka kal-fadhiga 32aad ee Xubnaha Golaha sare ee SONYO oo Afartii biloodba mar la qabto kal-fadhiganna ka dhacay xarunta guud ee dalladdu ku leedahay caasimadda Hargeysa oo goor dhawayd la soo gabagabeeyey ayaa waxa gabagabadii kulankaasi laga soo saaray shan qodob oo kala ah:
1. Abaaraha Dalka Ka Jira:Xubnaha Golaha Sare ee SONYO ee kulankan isugu yimid waxa ay alleh kabaryeen in madar khayr qaba ukeeno bulshada somaliland sidoo kallana waxay dhammaanba bulshada Somaliland ugu baaqeen xukuumad , shacabba,Hayadaha caalamiga ah iyo maxaliga ah in ay iaka kaashadaan sidii loogu midoobi lahaa wax ka qabashada abaaraha ba’an ee dalkeena ka jira si aynu bulshadeena tabaalaysan wax ugu qabano maadaama. Dalladdu waxa ay si gaar ah dhallinyarada dalka ugu baaqaysaa in ay is garab taagaan dadaalada loogu gurmanayo dadka abaaruhu saameeyeen.

sonyo shir

2. Isticmaalka Shillinka Somaliland Dhallinyaradu waxay isha kuhayaan sixirbararka dalka kajira waxaaney hoosta Kaxariiqeen in muhiim tahey isticmaalka shilinka somaliland oo ah mid Kamid Ah astaamaha qaranka iyagoo bogaadinaaya dedaalka loogujiro macashiisad Jaban iyo shillinka somaliland oo suuqa ku wareega waxaaney guud haan Bushada Somaliland Dawlada Qanacsatada usoo jeediyeen in si buuxda loo Dardargeliyo qaadashada iyo isticmaalka shilinka somaliland laguna saleeyo Waxkata oo la iibsanaayo ama kalla iibinaayo.

 
3.Qaadashada Kaadhka Muwaadinka:Gabagabada Kalfadhiga 32aad ee Golaha sare ee SONYO waxa ay guud ahaan bulshada Somaliland meel kasta oo ay dalka ka joogaan ugu baaqayaan in ay si mug leh isu diiwaan geliyaan si ay wakhtiga doorashada codkooda dastuuriga ah u dhiibtaan mustaqnalkoodana uga tashadaan. Dalladdu waxa ay dhallinyarada ka hawl galaysa diiwaangelinta cod-bixiyaha ugu baaqaysaa in ay laban laabaan xilkasnimada iyo masuuliyadda oo ah arrin lagu majeerto dhallinyarada reer Somaliland oo ah waddaniyiin marka ay arrin qaran ka qayb qaadanayaan si weyn isu xilqaama maadaama ay laf-dhabar u yihiin socodsiinta hawlahan oo kale.

dallada sonyo 3

4. Tayaynta Waxbarashada Dalladda SONYO waxa ay aaminsan tahay tayada waxbarashadu in ay tahay aasaasiyaadka lagama maarmaanka u ah horumarka qarankeena sidaa darteed waxa ay bogaadinaysaa qorshaha wasaaradda waxbarashada iyo guud ahaan dawladda ee tayaynta waxbarashada iyada oo ku baaqaysa in waxbarashada dalku noqoto mid ka turjumaysa baahiyaha qaranka iyo la tallaabsiga waxbarashada casriga ah ee quruumaha adduunku ku kala tageen.

 
5. Baaq Ku Wajahan Taageerada Beesha Caalamka:Xubnaha Golaha Sare ee SONYO waxa ay saaxiibada Somaliland ee deeqbixiyayaasha ah ugu baaqayaan in ay kordhiyaan Deeqaha ay ku kaalmeeyaan Somaliland waxna la qabtaan urrurada Maxaliga ah gaar ahaan kuwa dhallinyarada oo door weyn ku leh horumarka arrimaha bulshada ee Qaranka.
6. Qaddiyadda Somaliland Ma Laha Gorgrtan Xubnaha Golaha Sare ee SONYO waxa ay gabagabada kulankoodan baaq hawada u marinayaan dhammaan shucuubta caalamka iyaga oo ugu baaqaya in ay ixtiraamaan qaddiyadda Somaliland oo ah masiir umadeed oo aan gorgortan laga galayn iyaga oo Qaramada Midoobay iyo guud ahaan Beesha Caalamka ee taageerta arrimaha Soomaalida ugu baaqay in la dhegayso lana ixtiraamo lagulana shaqeeyo doonista qarankan ee aayo ka talintiisa ay iyagu doorteen oo ah arrin muqaddas ah oo aan cidna lagala tashanayn, waxaanay shacabka reer Somaliland ugu baaqeen in ay ilaashadaan qaranimadooda iskuna tashadaan kana shaqeeyaan horumarka dalkooda.

 

 

Allaa Mahad Leh

Siyaad Cumar Cali
Guddoomiyaha Dalladda Heer Qaran ee Ururrada Dhallinyarada Somaliland SONYO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here