Madaxweyne Muuse Biixi oo ku Baaqay in Wadahadal Lagu Xaliyo Muranka Xisbiyada ee ku Gudban Doorashada

0
1125
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku baaqay in la isku wada diyaariyo sidii ay doorashada Golaha Wakiilladu ugu qabsoomi lahayd xiliga loo muddeeyey oo ah 12 December 2019, isla markaana ay xisbiyada qaranku mudnaanta siiyaan in doorashadu ku qabsoonto muddada loo cayimay.

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xuska sannad-guurada 25-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland maanta, waxa kaloo uu ka digay in aanay doorashu qabsoomayn, haddii ay xisbiyada qaranku mudnaanta siiyaan muranka iyo waxyaabaha yaryar ee ay ku kala aragtida duwan yihiin.

“Doorashada hadda la go’aamiyey inay inoo qabsoonto December sannadkan, walaalayaal haddii aynaan doorashooyinka dimuqraadiga ah gelin oo haddii aynaan Goleyaasheena wakhtigooda dooran, haddii aan goleyaashu doorasho noqon, taladu waa innaga xumaanaysaa, taladu wadaaga ayey ku wanaagsan tahay,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxaannu intaas ku daray; “Xisbiyada Qaranka waxaa waajib ku ah inay xalliyaan wixii dhibaato ah ee iyaga khuseeya ee Doorashada ku gudban, diyaar baanu u nahay dood kasta in aan xal nabad ah u doono, waxaanse xalka gaadhaynaa xisbiyada qaranka haddii aan nahay marka aynu siino mudnaanta inay doorasho inoo qabsoonto, haddii aynu mudnaanta siino muran yar oo dhexdeena taagan walaalayaal gaadhi mayno doorashada.”

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa sidoo kale sheegay in laga gudbi karo waxyaabaha khilaafka ah ee u dhexeeya xisbiyada, isagoo ku baaqay in la isugu yimaado miiska wadahadalka, waxaannu yidhi; “Waxaan leeyahay waxyaabaha yar yar ee doorashooyinka horyaala waynu dhamayn karnaa, waynuna dhammayn jirnay, aynu isaga nimaadno oo aynu dhammayno, ha la eego doorashada oo yaan la eegin waxa yar ee ina horyaala, dowlad ahaana diyaar ayaanu u nahay, xisbi ahaana diyaar baanu u nahay in la wadahadlo oo doorashada wakhtigeedii lagu qabto oo aanay mar labaad dib innooga dhicin, Golaha Guurtidana aynu raadino xeerkii lagu dooran lahaa.”

“Mudnaanta labaadna waa in tallo la isku wada kalsoon yahay la helo, taasoo lagu helayo sida xeerarkeenu dhigayaan in Xilka hoggaamintu yahay meerto, oo goleyaasha qaranka ee la doortaa gole waliba uu wakhtigiisa ku beddelmaa, oo shacabku mar labaad codkooda bixiyaan haddii ay tahay Madaxtooyo, haddii ay tahay guurti, haddii ay tahay Baarlamaan iyo haddii ay tahay Dowladdo Hooseba, waayo waxaa dan loo mooday oo Caalamka oo dhami eegay in shantii sanno ama Lixdii sannaba mar la beddelo Golahaasi, si loo helo ama kii hore loogu celiyo ama dhiig cusub, dadkana taladu u sinnaanto. Markaa waxaan u baahan nahay in aynu kaana ka dhigno qodobka Labaad ammniga iyo talada, taladii haddii la waayo la socon maayo, taladuna socon mayso haddii aan ammnigu ka horayn,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa kaloo uu Madaxweynuhu caddeeyey in dalka Somaliland uu jecel yahay inuu nabad kula noolaado dalalka ay jaarka yihiin, isagoo xusay in taas beddelkeeda ay dowladda aan Iskeed Isku Maamulin ee Soomaaliya ay mar walba ku hawlan tahay colaadda Somaliland.

“Waxa kale oo aan doonayaa inaan caddeeyo inay Somaliland jaararkeeda iyo Caalamka oo dhan nabad ugu baaqayso, nabad baan u baahannahay oo dal dhismaya ayaannu nahay, ciddna duulimaad kuma nihin, cid walba nabad baanu ka rabnaa, waxaase la yaab leh Dowladda maanta Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Kheyr ee Xamar ka dhisani ilaa maalintii la doortay ilaa maalinkaa maanta ah, waxa ay weerar joogto ah oo qaawan oo dhinac walba leh ay ku hayaan Qaranka Somaliland, dagaaladaas laga sheekaynayey waa joogto, Dagaalka Dhaqaale waa joogto, ka cuno-qabatayni waa joogto, ka been-abuurka ahi  waa joogto.”

Waxaannu intaas ku daray; “Waxaa la yaab leh oo taariikhdu inoo sheegaysaa dagaal cid guul ku gaadha waa la waayey, Soomaaliduna soddonkii sanno  ee  u dambeeyey dagaal uun bay ku jirtay, waanay wada degtay, caqliga toosani Soomaalidu maanta meel ay joogtaba waxay u baahan tahay inay talo gaadhaan oo ay tashato,  laakiin waxaan arkayaa dowladda  maanta Xamar ka dhisan ee Baydhabo weeraraysa ee dadka ku laynaysa, ee Kismaanyo u hub samaysanaysa ee Puntland dirqi kaga baxsatay ee Somaliland dagaalka ku haysa ee iyada ay ilaalinayaan ciidammada Qarammada Midoobay, Ilaahay waxaan uga rajaynaynaa inuu fidmadeeda innaga nabadgeliyo, innaguna waynu u diyaar garoobaynaa wixii ay dhibaato inoola yimaadaan dhinac walba in aynu iska daafacno.”

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa tilmaamay in maamulka Muqdisho ay sifo aan sharci ahayn ugu muransan yihiin xadka sharciga ah ee dalka Somaliland leeyahay, waxaannu yidhi; “Waxa soo baxay oo Dowladda Xamar ee Farmaajo iyo Kheyre keeneen inay yidhaahdaan Somaliland xadkii Ingiriiska iyo Talyaanigu dhigteen xuduudihii isticmaarka ee Afrika lagaga tegay aqbali mayno ee waxaannu samaynaynaa xad-beeleed.  Waxaa la yaab leh markii isaga la dooranayey (Farmaajo) waxaa la tartamay oo raggii meesha ugu aqoon badnaa ugu cadcaddaa ka mid ahaa Axmed Ismaaciil Samatar, markii doorashadii Xamar dhammaatayna waxaa la yidhi; ‘orod dalkaagii qabo oo ku noqo.” Waxaannu ahaa ninka juhdiga u badan geliyey Soomaali weyn, Axmed Ismaaciil Samatar wuu inoo yimi wuu inoo waramay, Ismaaciil Buubaa baa ka horeeyey oo toban sanno u ahaa Wasiirka Khaarajiga, wuu inoo yimi wuu innooga waramay waxa meeshaa yaalla.”

Madaxweynaha, ayaa caddeeyey in dalka Somaliland yahay waddan la wada leeyahay oo ka wada dhexeeya ummadda muwaadiniinta ah oo dha bariga ilaa galbeedka, waxaannu yidhi; “In Somaliland la wada leeyahay makhraatigeeda waxaa ah Daahir Rayaale Kaahin oo kaga guulaystay Doorasho gacmeed oo hal qof iyo hal cod ah Siilaanyo oo ahaa Hoggaamiyihii SNM oo lagu qaabilay oo siddeed sannadood ku xukumayey dalka.  Makhraatideeda Somaliland in la wada leeyahay waxaa ah Xagglo-toosiye oo la tartamay Saylici oo ku sigay oo dirqi dirqi kaga baxsaday inuu ka reeyo.”

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here