Madaxweyne Kuxigeenka Oo Masaajidka Cali-Mataan Ee Caasimada Hargeysa Kusoo Gabagabeeyay Taraawiixda iyo Taajudka Bisha Ramadaan Oo Uu Dadweynaha La Tukan Jirey + SAWIRRO

0
1055

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),ayaa masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha Caasimada Hargeysa kusoo gabagabeeyay,Salaadaha Taraawiixda iyo Taajudka oo uu bishii Ramadaan Masaajidada Hargeysa kula soo tukadey shacbiga kunool Caasimada.

 

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),oo sanad kasta bisha Ramadaan la cibaadeysta Shacbiga kunool caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa,inta ugu badan ee habeenadii barakeysnaa ee Bisha Ramadaa laguda jirey kula soo qaatey Salaadaha Cishaa,iga Taraawiixda iyo Tobanka dambe ee Bisha oo uu ku darsadey Salaadu Taajudka Masaajidada Caasimada Shacbiga Waxaana had iyo jeer dhacda in aanu Masaajidadaas ku tagin kuatagal haseyeeshee, ay Shacbigu ku baraarugaan isagoo ku barbar ku tukanaya taas oo marar badan uu kama,a ka galey qofkii uu ku ag tukanayey oo isweydiiya ninkan ugu ag tukanayaa ma Madaxweyne Kuxigeenkiibaa Saylici mise waa nin u eeg.

saylicis KKK

Laakiin mar isaga wax laga weydiiyay in uu had iyo jeer Bisha barakeysan ee Ramadaan Masaajidada Caasimada kula tukado Shacbiga Hargeysa, waxa uu Sheegay in ay yihiin Madaxdii iyo masuulyiintii shacbigu soo doortey laakiin marka illaahay la horjoogo, loo siman yahey gudashada faralka qofka Muslimka ah saaran iyo baryadiisa labadaba sidaa daraadeedna uu mudadii Xukuumadoodu talada haysay uu had iyo jeer la cibaadeysto Shacbiga bishan Barakeysan ee Ramadaan iyo waliba Salaadaha Jimcaha inta badan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here