Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Shaaciyay Inuu Ka Bogsaday Covid-19

0
1867

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna Guddoomiyaha Guddiga la dagaalanka Xanuunka Covid_19, ayaa sheegay inuu ka bogsaday Xanuunkaasi oo laga helay muddo Laba Toddobaad ka hor ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo aan Warbaahinta ka soo muuqan tan iyo markii Xanuunkaasi laga helay, ayaa qoraal uu Shalay ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuu sheegay in baadhitaan lagu sameeyay Isniintii lagaga waayay Xanuunka Covid_19, sidaasi darteed uu ka bogsaday Xanuunkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa qoraalkiisa oo koobnaa ku yidhi β€œKa dib markii shalay (Isniintii) la iga qaaday tijaabadii caafimaad ee COVID-19 waxa Alle mahadii ah inaan noqday β€œNEGATIVE”, oo aan xanuunkaas ka ladnaaday.”

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu u Mahad-naqay Dadweynaha reer Somaliland β€œWaxaan u mahadnaqayaa shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan ummada kale ee ii soo ducaysay.” Ayuu yidhi.

Xanuunka Covid_19 ee Madaxweyne ku-xigeenku sheegay inuu ka bogsaday, ayaa xilligan faro-baas ku haya Shacabka Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, waxaana Maalinba Maalinta ka dambaysa sii kordhaya Dadka u dhimanaya, sida laga soo xigtay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here