Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Finland

0
1653

Helsinki (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Finland.

Kulankan, ayaa lagaga hadlay arrimo badan oo khuseeya qadiyadda Somaliland oo ay ka mid tahay nidaamka dowladeed ee Somaliland kajira iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in Somaliland ay dunida ka hesho aqoonsi buuxa.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay, ayaa u mahad-naqay dowladda Finland oo Somaliland la leh wadashaqayn wanaagsan, siiba dhinacyada caafimaadka iyo arrimaha bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa mudooyinkii u dambeeyay safarka shaqo ku marayey dalalka qaaradda Yurub, safarkaasi oo la xidhiidha qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here